RUUSHKA oo kordhiyey duqeymaha dalka Ukraine

Kyiv (Caasimada Online) – Ciidamada Ruushka ee ku sugan Koonfurta dalka Ukraine ayaa kordhiyey duqeymaha ay ku hayaan gobolka Kherson ee dhawaan la xoreeyey.

Magaaladu ayaa inta badan koronto la’aan ama biyo la’aan la daalaa dhacaysa.

Waxaa markale la duqeeyay, warshadda nukliyeerka ee Zaporizhzhiya ee waddanka Ukraine ayaa ah midda ugu weyn ee ku taal qaaradda Yurub, xilli mas’uuliyiinta Ruushka iyo Ukraine ay isku eedaynayaan weerrarka.

Wakaaladda wararka ee waddanka Ruushka ayaa ku warrantay in illaa 15 gantaal lala dhacay goobta.

Wakaaladdu waxa ay soo xiganaysaa sarkaal sheegay in gantaalladaasi ay ku soo agdhaceen qeybta qashinka lagu kaydiyo ee warshadda, iyo guri lagu xareeyo shidaalka nukliyeerka loo adeegsaday.

Duqeymaha uu Ruushku ku hayo magaalooyinka Ukraine iyo weerarada sii xoogeysanaya ee meelo kale oo dalkaasi ka mid ah ayaa sii wiiqay rajadii laga qabay in horumar laga gaaro soo afjaridda colaadda dhiiga badani ku daatay ee hadda isu rogtay dagaal fool-ka-fool ah.

Si kastaba, natiijada kama dambeysta ah ee dadaalkan weli ma cadda. Si kastaba, masiirka iyo halka uu kusoo gaba-gaboobi doono waxay ku jirtaa gacanta dowladda Ukraine iyo sida ay usii xejisato dadaalkeeda.