RUUSHKA oo kusoo biiray loolanka GEESKA AFRIKA (Muxuu yahay qorshihiisa?)

Moscow (Caasimada Online) – Russia waxa ay ku biirtay liiska dalalka ay ka go’an tahay in ay cagta la helaan qeyb ka mid ah Badda Cas. Kulan ay la yeesheen hoggaamiyeyaasha Eritrea Jimcihii (31kii Agoosto). Wasiirka arrimaha dibedda Sergey Lavrov waxa uu ku dhawaaqay qorshe ay dekedda dalkaas ku yaal Bariga Africa uga sameysanayaan “Xarun Saad”. Moscow ma caddeyn meesha mana cayyimin waqtiga mashruuca laakiin waxa ay sheegeen in ay ujeedku yahay sare u qaadidda xiriirka ganacsi iyo maalgashiga kaabeyaasha dhaqaale ee labada dal.

Ku dhawaaqista arrintan waxa ay ka dhigan tahay dadaalada ay Russia ugu jirto cusbooneyisiinta xiriirka ay la leedahay dowladaha Africa iyo sare u qaadidda dhaqankeeda, siyaasadeeda iyo saameynteeda dhaqaale. Russia waxa ay qaadeysaa tallaabadan xilli Mareykanka uu hoggaamiyo Trump ay dib u gurasho wadaan halka ay China  ku sii xidideysaneyso. Bishii Maarso, Lavrov waxa uu booqasho toddobaad ah ku gaaray Africa isaga oo tagay Angola, Namibia, Mozambique, Ethiopia iyo Zimbabwe. Intii uu booqashada ku guda jiray, waxa uu saxiixay heshiisyo lagu dhisayo aag dhaqaale, raadinta fursado lagu qiimeynayo macdanta oo ay ku jiraan Dhaymanka iyo Platinum-ka si sare loogu qaado iskaashiga farsamada militariga.

Dalka Jamhuuridda Bartamaha Africa, Kremlin waxaay siin dootaa hub iyo talo dhinaca ammaanka dowladda dagaaladu hareeyeen. Sadex saxafi oo Russian ah,  kuwaas oo doonayey in ay wax ka ogaadaan xiriirkan ayaa lagu dilay dhawaan meel 180km uga began caasimadda dalkaas ee Bangui. Russia sidoo kale waxa ay tartan Gabay ah ku qaban doontaa dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Africa iyada oo kuwa ku guuleysta ay dalxiis u aadi doonaan xero ku taalla gobolka Crimea ee ay Russia soo goosatay.

Dookha ah in ay xarun ka sameysato Eritrea waa mid xisaab ku timi marka la eego dhulka istaraatijiyadda ah ee ay Geeska Africa uga taal. Dekedaha Casab iyo Massawa ayaa ubuc u dhaa is bedeladda awoodaha siyaasadeed ee gobolka. Sacuudi Careebiya iyo UAE, kuwaas oo qeyb ka ah gaashaan buurta dagaalka ka wada Yaman ayaa u adeegsaday Dekedda Casab ujeedooyin saad iyo goob ay maxaabiista ku soo xiraan.

Kaddib todaneeyo sano oo ay dagaal kula jireen dalka aan Badda lahayn ee Itoobiya, heshiiskii dhawaan ayaa sidoo kale ka dhigan in ay Addis Ababa dooneyso adeegsiga iyo maalgashiga dekeddaha Eritrea. Ka waddan ahaan ka soo baxaya go’doomin, Asmara waxa ay rejeyneysaa in ay muhiimaddeeda istaraatijiyadeed u isticmaasho saameyn ay ku soo jiidato maalgashi caalami ah, sidaas waxaa yiri Omar S. Mohamed, cilmi baare ka tirsan machadka barashada ammaanka ee Addis Ababa ku yaal. Hoggaamiyeyaal waddamo ay ku jiraan Sacuudi Careebiya, Soomaaliya, Japan iyo Germany ayaa dhammaan booqday Casmara toddobaadyadii ugu dambeeyey, ayuu intaa ku daray Omar, “Waxa ay ka soo kabaneysaa waqtigii lumay”.

Hase yeshee, imaanshaha Russia ee Eritrea waxa ay ka dhiganaan doontaa Geeska Africa oo lagu soo xoomay. Jibuuti Oo ah dalka saddexaad ee ugu yar wadamada ku yaal Qaaradda Africa [Aan Jariiradaha ahayn], waxa ay hooy u tahay saldhigyo ay leeyihiin dhawr waddan oo Yurub, Asiyaan iyo Mareykanka.

Sidoo kale waxaa jira khilaaf soo koraya: Bishii Maajo, Pentagon-ka Mareykanka waxa ay China ku eedeeyeen in ay adeegsanayaan Leesarro ay ku carqaladeenayaan duuliyeyaasheeda diyaaradaha dagaalka ee dalkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com