Israel: Madax carab ah baa qarsoodi nooga timid, wax yaab leh ayayna dhaheen

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka difaaca ee Israel ee middigta fog, Avigdor Lieberman waxa uu daaha ka rogay xogta shirar taxane ahaa oo ay hoggaamiyeyaasha Carabta ee ay dalalkooda xiriir diblomaasiyadeed la lahayn dowladda Yuhuudda ay ku yeeshen Tel Aviv dhawrkii sano ee la soo dhaafay.

Lieberman waxa uu sheegay inay aad ula yaabeen wixii ay madaxda carbeed ku yiraahdeen, sida ay u amaaneen Israel, una qireen awoodeeda iyo in marnaba arrinta Falastiin aysan kusoo hadal qaadin.

Wareysi ay daabacday Yedioth Ahronoth, Lieberman waxa uu sheegay in hoggaamiyeyaasha Carabta ay booqashooyin qarsoodi ah ku yimaadeen Israel si ay uga qeyb galaan shirarka. Waxa uu isla barbar dhigay xiriirka soo hagaaga ee dowladaha Carabta ee maanta iyo 1996-dii. “Waxaan ansixinnay saddex-afar ka mid ah ujeedooyinka,” ayuu yiri. Qodobada waxaa ka mid ahaa waxa uu ugu yeeray “Khatarta Iran, Al Qaacida iyo argixixisada ee dhaq dhaqaaqyada Sunni-ga.”

Lieberman oo ku dhashay Moldova waxa uu sheegay in ay Carabtu garanayaan waxa ay ka heli karaan Israel, ayna sidaas qirteen, isaga oo farta ku fiiqay, sirdoonka, takhasusaadka iyo teknoolajiyadda ee istaraatijiyadda iskaashi. “Ma xasuusto in hoggaamiyeyaasha Carabta ay soo qaadeen qodobka ku saabsan Falastiin, taas aad ayaan ula yaabnay” ayuu yiri, “Xataa ma ahayn qodobka kowaad, labaad ama saddexaad.”

Waxa uu xusay in hoggaamiyeyaasha Carabta xiriirka ay Israel la leeyihiin qarsoodi yahay maadama ay uu aad u qotodheer yahay farqiga u dhexeeya iyaga iyo dadkooda marka ay timaado arriimaha la xiriira dhulka ay dowladda Yuhuudda qabsatay.

Sida laga soo xiganayo Yedioth Ahronoth, walow uu wacad ku maray in uu khaarajin doono hoggaaiyaha Xammaas Ismail Hayineh muddo 48 saacadood ku siman markii uu noqday wasiirka difaaca ee Israel waxauu ku adkeysanayaa in ay jiraan xulashooyin kale in ay hadda miiska yaalaan. “Waxaa jira laba xulasho: Ciidamadda difaaca ee Israel wey ku afgambin kartaa Xammaas Gaza taas oo ay ka dhallan karto in ay la wareegaan gacan ku haynta marinka ama waxa ay horseedi kartaa in dadka deegaanka Gaza ay iyagu afgambiyaan Xammaas. Xulashada labaad ayaa ballan qaadeysa xasillooni badan.:

Gunaanad, Lieberman waxa u sharraxaad ka bixiyey in uusan aaminsaneyn heshiis lala galo Xammaas. Haddii uu is afgarad dhacayo, waa in ay ku jiraan dadka Israel ee la la’yahay iyo askarta la haysto.