Farmaajo oo shaaciyay in dowladiisa ay xalisay laba dhibaato oo horteed jiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo wali ku sugan dalka Shiinaha ayaa sheegay in Somalia ay kasii gudbeyso dhibaatooyinkii ka jiray sanadihii lasoo dhaafay.

Farmaajo waxa uu sheegay in dowladiisa ay xal u heshay dhibaatooyinkii jiray, kuwaa oo magaca Somalia dhulka dhigay.

Dhibaatooyinka xiligii hore ragaadiyay Somalia ayuu tilmaamay inay ugu weynaayeen laba qodob oo kala ahaa musuqa iyo xuquuqda ciidamada oo aan la bixin jirin, hase yeeshee iminka laga soo gudbay arrimahaasi.

Waxa uu Farmaajo sheegay in iminka ay u talaaben dhinacyada Horumarka, Ganacsiga iyo Nabadda, waxa uuna cadeeyay in durbaba ay ka gaarayan guulo muuqda.

“Dhibaatooyinkii ugu badnaa waxaanu u helnay xal waara, waxaa dhiman qeybo yaryar oo aan rajeyneyno inaanu iyaguna xalin doono, waxaa inoo muuqda isbedel bilow ah”

Madaxweyne Farmaajo oo wali tabaaya inay u harsan yihiin talaabooyin qeyb ka noqon kara guulaha iyo horumarada dowladiisa ayaa bidhaamiyay inay tahay mid ku xiran hal arrin oo uu ku sheegay iskaashi ka dhex abuurma Umadda Soomaaliyeed.

Farmaajo, waxa uu tilmaamay in Horumarka Somalia xiligaani uu yahay keliya mid ku xiran in iskaashi dhaba ay muujiyaan Umadda Soomaaliyeed oo uu sheegay inay bedeli karaan xaalada ka jirta dalka.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa carab dhabay inuu rumeysan yahay in Somalia inta harsan ay kaga gudbi doonto muddo dhan hal sana oo hadda soo socta.

Haddalka Farmaajo ayaa muujinaaya in dalka uu ku talaabayo horumaro dhinacyo badan oo lagu gaaray muddo dhan sanad iyo bar.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com