Khiyaanada Qarniga: Sida Mareylkanka & Imaaraatka ay khaarijinta Jabuuti isula qorsheeyeen (Qeybti 3-aad)

Halkan ka aqriso qeybihii hore – Laakiin Geelle ayaa haddana ugu dambayn guulaystay, sidiisii laysla yaqaannayna ku guulaystay, taas oo ka dhigtay xiriirkii Jabuuti iyo reer Galbeedka mid hubaal la’aan ah, waxaa cajiib ah in xiriirkaa aan deganayn ee u dhexeeya Washington iyo waddankaa ku yaalla irridda Baabul Mandab uu ku soo aadey faragalinta Sucuudiga iyo Imaaraadku ay ku sameeyeen Yaman bilowgii sanadkii 2015-kii, kaas oo dowladihii Khaliijka oo dhan ka dhigay halka loogaga tartamayo Geeska Afrika.

Si gaar ah Dowladda Imaaraadka ayaa u bilowday tartanka lagu qabsanayo badda, kaddib markii ay sugtay joogitaankeeda millatari ee Cadan iyo dakadaha Yaman, ayaa waxa ay bilowday Abu Dabay askaraynta dhaqdhaqaaqyada dhaqaale ee shirkadda caalamiga ee Dakadaha Dubay (DP World) ee Geeska Afrika. Taas oo ay ugu muhiimsanayd xarunta kunteenararda ee Dooraale, Jabuuti, taas oo shirkadda Dakadaha ee Dubay ay ku lahayd 33% iyada oo ay usii dheertahay heshiis lagu sii socodsiinayo maamulka xarunta ilaa 50 sano oo la sixiixay 2006-dii.

Markii uu bilowday duullaankii Sucuudiga iyo Imaaraadka ee Yaman ayay Imaaraadku codsi u gudbiyeen Jabuuti, ay ku doonayaan in ay dhistaan saldhig millatari si ay ula socdaan xaaladaha Cadan, Jabuuti way diidday dalabkaa waxa ayna ku kaaftoontay in ay u ogolaatay ciidamada Sucuudi iyo Imaaraad in ay isticmaalaan xarun millatari oo yar oo ku taalla aagga Haaraa-Muuse oo ku dhow Liimooneeh ee ay ka hawl galaan cidamada Maraykanku, intaasi kuma fillayn damaca Imaaraadka oo diyaaradaheedu ay marar badan jabiyeen ruqsaddii ku dagitaanka garoomada Jabuuti, taas oo keentay in uu muran diblomaasiyadeed ka dhex qarxo kaasoo xitaa gaaray in ay gacmaha isula tagaan Taliyaha Ciidanka Jabuuti iyo qunsul ku xigeenka Imaaraadka u fadhiya Jabuuti.

Iyada oo taa ka jawaabaysa ayay Imaaraad bilowday in ay ku ciqaabto Jabuuti kiraysashada dakadaha la tartamaya Jabuuti iyada oo soo bandhigaysa in qiima yar lagu isticmaali karo, taas oo ay ku jiraan bandhigyo ay samaynayo Itoobiya in ay ku isticmaasho dakad ku taalla Berbera weliba qiimo jaban, taas oo keentay in uu sii waynaado khilaafka ku saabsan hufnaanta ka shaqaysiinta shirkadda Dakadaha Dubay ee xarunta kuteenarada Dooraale.

Geelle ayaa si gaar ah ugu tuhmay Imaaraadka, in ay laaluush siisay mas’uul hore oo ka tirsanaa xukuumadda oo lagu magacaabo C/raxmaan Boorre oo hadda ah nin mucaarad ah oo daggan Imaaraadka, arrintaasuna waxa ay keentay in ay sii waynaato dhibaatadii u dhaxaysay labada dal, marka la eego sidii loo maamuli lahaa dakadda koteenarada, ilaa uu ka gaaro khilaafkii in Dowladda Jabuuti ay xaruntii dib ugala wareegto shirkadda caalamiga ah ee Dakadaha Dubay bishii Febaraayo ee la soo dhaafay.

DHAQAN CELIN

Markii ay soo if baxday in xiriirka Jabuuti iyo Imaaraadku uu xumaaday, Abu Dabay waxa ay raadisay meel kale oo ay lugta la hesho si ay u qabsato Geeska Afrika, qorshe aan ka marnayn wax yeellayn ayay Imaaraadku ku doorateen Eratariya oo Jabuuti col la ah, bilowguna waxa uu ahaa sanadkii 2015-kii markii shirkadda caalamiga ah ee Dakadaha Dubay ay sixiixday heshiis ay ku hormarinayso Dakadda Casab oo aan hormarsanayn Badda Cas na saaran.

Kahor inta aysan billaabin in ay dhisato agagaarka dakadda Binya Caskariyyah iyada oo samaysatay saldhiggii millatari ee ugu horreeyay oo ciideeda ka baxsan, saldhiggaas oo leh garoon ciidan oo diyaarsan oo lagu dajin karo raxan dhan oo diyaaradaha “Miiraaj 2000” oo Faransiisku sameeyo, ama diyaaradaha “C-17” iyo “C-130” oo uu leeyahay ciidanka cirka ee Imaaraadku iyo qayb dhulka ah oo wayn oo le’eg urur gaashaaman oo ku qalabaysan dabaabadah “Liqueur ” ee faransiiska ah, iyo qaybo tababar oo ay ku diyaariso maleeshiyaadka uga hawl gala Yaman iyo meelo kale.

Caasimadda Casmara ayay Imaaraadku ka bilaabeen in ay dayactiraan garoonka diyaaradaha oo burbursanaa si ay ugu degi kaaan helakobtarrada weerartama sida “Apache” oo uu leeyahay hoggaanka diyaaradaha wadaagga ah ee Imaaraadka, iyo sidoo kale helakobtarrada “Shiinuuk” iyo” Black Hawk” oo uu leeyahay ciidanka ilaalada madaxtooyada Imaaraadka.

Diyaaradahaasuna weerar ayay qaadeen iyaga oo ka kacay “Casab”, duuliyayaasha cusub ee ciidanka cirka ee Yaman na waxaa lagu tababaray Casab inta aan la gaynin saldhigga cirka ee “Alcanad” oo ku taalla Cadan, oo sida oo kale ay Imaaraadku haystaan, sida oo kale Eratariya waxa ay dirtay 400 oo askari si ay u taageeraan ciidamada Imaaraadka ee Cadan jooga, halka Sucuudi iyo Imaaraad ay gacan ka gaysteen cusboonaysiinta shabakada korontada ee Eratariya.

Waxaa kale oo ay siiyeen kaalmo shidaal iyo mid lacageed, laakiin aragtida Imaaraadku kuma koobnayn oo kaliya in ay u isticmaasho Eratariya saldhig hawl galladeeda ciidan ee Yaman, ee ujeedkeedu waxa uu ahaa in ay nafta kusoo celiso mid kamid nidaamyada ugu go’doonsan adduunka iyo laga dhigo qiblada cid kasta oo uu damac kaga jiro mandiqadda, furaha dhaqan celintaana waxa uu yaallay Itoobiyada dariska ah.

Xilligii dagaalkii qaboobaa ee Sagaashamaadkii xiriirka Itoobiya iyo dalalka Khaliijka waxa uu ahaa mid aad u xun, iyada oo madaxda Itoobiya ay u arkeen in dowladahan ay si toos ah ugaga hiilliyeen Masar, Eratariya, Suudaan iyo Soomaaliya, taasna waxaa ka dhashay in xiriirka cusub ee Eratariya iyo Abu Dabey uu cabsi ku abuuro Adis Ababa oo ay masuuliyiinta Itoobiya tagaan caasimadda Imaaraadka si ay wada hadallo ula soo yeeshaan.

Haddaba, inkasta oo wada hadallada labada dhinac ay markii u muuqdeen kuwa aan horumar samaynaynin, haddana waxa ay gaareen Abu Dabey iyo xukuumaddii dhacday ee Hailemariam Desalegn qaab ay ku wada shaqayn karaan kaddib markii ay Imaaraadku ballan qaaday in ayna dhiiri galinaynin dadaallada Eratariya iyo Masar ee lagu wiiqayo Itoobiya, taas oo ay kamid tahay in aysan si buuxda ugu hiillin Masar arrinta ku saabsan biyo xireenka wayn ee Itoobiya ee Al-Nahda iyo saamiga biyaha Wabiba Niil.

Tartiib tartiib ayuu usoo xoogaysanayay iskaashiga labada dal ilaa uu ka noqdo mid istiraatiiji ah, iyaga oo ku shirkoobay hormarinta Dakadda Barbara ee woqooyiga Somalia, Itoobiyana waxa ay la gashay heshiis Somaliland bishii Febaraayo 2015-kii si loo hormariyo Dakadda Barbara, bil kahor inta aysan wada hadal la bilaabin shirkadda caalamiga ah ee Dakadaha Dubey nidaamka Hargaysa kaas oo ku dhamaaday heshiis ku kacay $442,000,000 oo lagu hormarinayo Dakadda Barbara 2016-kii, sidoo kale waxa ay ogolaatay shirkaddu $80,000,000 lagu bixinayo baahiyaha daruuriga ah ee ay dekeddaasi u baahan tahay.

La soco qaybta 4-aad…

Waxaa Tarjumay: Dr Maxamed Xasan Nuur