25.4 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Ruushka oo cambaareeyay qorshaha cusub ee Israel

Bookmark
Bookmarked

Share

New York (Caasimada Online) – Ku-xigeenka Ergayga Ruushka ee Qaramada Midoobay, Dmitry Polyanskiy ayaa si kulul u cambaareeyay qorshaha cusub ee ay ansixiyeen Golaha Wasiirrada Israa’iil, kaas oo lagu doonayo in lagu qabsado guud ahaan dhulka marinka Gaza.

Ergeyga Ruushka oo la hadlayay warfidiyeenka ku sugan xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid aad u halis badan oo wiiqeysa dadaallada nabadeed. Wuxuu sheegay in Ruushku si buuxda u cambaareynayo qorshahaasi iyo wax kasta oo lamid ah.

Dmitry Polyanskiy ayaa intaas ku daray in waddo kasta oo lagu raadiyo xasillooni iyo nabad waarta laga fogaanayo haddii Israa’iil ay u dhaqaaqdo ficillo noocan oo kale ah oo horseedi kara dhiig daata dheeraad ah iyo xasillooni darro gobolka ka dhacda.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa si cad u soo bandhigay qorshe cusub oo milatari, kaasi oo lagu doonayo in Israa’iil ay si rasmi ah gacanta ugu dhigto marinka Gaza. Qorshahaan ayaa qayb ka ah dadaallada milatari ee Israa’iil ay ku sheegtay “in lagu baabi’inayo awoodda Xamaas”.

Sida ay sheegayaan warbixino kala duwan, qorshahaan ayaa lagu bilaabi doonaa in ciidamo cusub oo Israa’iili ah la geeyo deegaanno aysan horey u gelin, kuwaas oo ay ku jiraan xeryo ciidan oo lagu tuhunsan yahay in Xamaas ay u isticmaasho tababarada militari.

Waxyaabaha kale ee ku jira qorshaha waxaa kamid ah in si buuxda loo hareereeyo magaalada Gaza, waxaana qorshuhu dhigaya in dadka ku sugan halkaasi lagu khasbo inay u qaxaan koonfurta, si loo furo waddo lagu fulin karo weerarro milatari oo cusub.

Qorshahan ayaa sidoo kale tilmaamaya in la beegsado goobo ay dad badan ku sugan yihiin, taas oo laga cabsi qabo inay keento khasaare baaxad leh oo ka dhan ah shacabka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Israa’iil ay wajahaysa cadaadis xooggan oo caalami ah oo la xiriira duqeymaha joogtada ah ee ay ka waddo gudaha Gaza, kuwaas oo sababay burbur baahsan iyo dhimasho tiro aad u badan.

Tirakoob ay hay’adaha caafimaadku soo bandhigeen ayaa muujinaya in dagaallada ka socda Gaza tan iyo bishii Oktoobar 2023 ay sabab u noqdeen geerida in ka badan 61,200 oo qof, kuwaas oo badankood ah dumar iyo caruur.

Dalka Ruushka oo horay ugu baaqay in la helo xabbad-joojin degdeg ah ayaa mar kale ku celiyay baaqiisa ah in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka, lana bilaabo wadahadal horseedi kara xasilooni iyo nabad waarta oo laga gaaro gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News