Ruushka oo soo bandhigay rag ka yimid Britain oo lagu qabtay dagaalka Ukraine

Moscow (Caasimada Online) – Laba dagaal-gale oo u dhashay dalka Britain ayaa la sheegay in ciidamada Ruushka ay ku qabteen dagaalka ka socday gudaha dalka Ukraine, oo hadda kusii siqaya bishii saddexaad.

Dagaalyahanada la qabtay ayaa kasoo muuqday Telefishinka Qaranka Ruushka, waxayna Ra’iisul Wasaaraha England Boris Johnson ka codsadeyn inuu ka caawiyo sidii loo sii deyn lahaa.

Shaun Pinner oo 48 jir ah iyo Aiden Aslin oo 28 jir ayaa muuqaalkooda laba jeer la kala baahiyey iyaga oo dalbanaya in lagu bedesho siyaasiyiin Ruushka taaageersan oo lagu hayo Ukraine.

Dowladda UK weli kama aysan hadlin raggaan sheegay inay kasoo jeedaan England ee la sheegay in lagu qabtay dagaalka Ukraine.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa sheegay in tiro badan oo ka mid ah ciidamada Ruushka ay hadda diiradda saareen hawlgalkii ay muddo dheer isku diyaarinayeen.

Goor sii horreysay, Golaha Ammaanka Qaranka ee Ukraine ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay isku dayeen in ay dhulka ku daraan ku dhawaad​​ dhammaan ciidamada jiidaha hore ee gobollada Donetsk, Luhansk iyo Kharkiv.

Weerarkan ayaa ahaa mid la filayey muddo dheer kadib markii Ruushka uu ku guul daraystay inuu qabsado Kyiv.

Ruushka ayaa markii hore u muuqday in uu doonayay in uu qabsado magaalooyinka waaweyn ee Ukraine oo uu afgambiyo dowladda.

Hase yeeshee ka dib markii ay la kulmeen iska caabin adag, saraakiisha difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in ujeeddooyinkoodii ugu muhiimsanaa ee “marxaladda koowaad ee hawlgalka” ay “guud ahaan u qabsoomeen” sidaa darteedna ciidamadooda laga soo raray aagagga caasimadda.

Waxay ku dhawaaqeen qorshayaal cusub oo diiradda lagu saarayo duulaanka “xoreynta” gobolka Donbas ee ku hadla afka Ruushka.