Ruux dil ka geystay Muqdisho oo laga soo qabtay dalka Sudan

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo bandhigay shaqsi horay fal dil ah kaga geystay magaalada Muqdisho,kaasi oo u baxsaday dalka dibadiisa gaar ahaan dalka Sudan.

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gen Shariif Sheikhunaa Maya oo saxaafada kula hadlay goobta lagu soo bandhigay shaqsiga dilka geystay ayaa sheegay inuu ahaa Craxmaan Ciise Axmed,islamarkaana dilka uu horay u geystay.

Taliyaha ayaa sheegaya in Craxmaan Ciise, uu horay u dilay Saciid Dhiblaawe Siyaad oo ka mid ahaa dadka deegaanka ee Degmada Warta Nabbada ee gobolka Banaadir,isagoo sheegay inay suurto gashay in ningaasi gacanta lagu dhigo.

C/raxmaan Ciise ,ayaa markii uu dilka ka geystay magaalada muqdisho wuxuu u baxsaday dalka dibadiisa,waxaana la sheegay inuu gaaray dalka Sudan,iyadoo maanta lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho.

Shariif Sheikhunaa Maya ayaa sheegay in horumar ay tahay arinta maanta dhacday isagoo sheegay in booliska Interpol ee adduunka uu qeyb ka qaatay soo qabashada ruuxa dilka horay ugeystay una baxsaday dalka Sudan.