RVP oo wahajaya sedax kulan oo ganaax ah ka dib markii uu xusul ku dhuftay Cabaye.

Robin Van Persie ayey macquul tahay inuu wajaho sedax kulan oo ganaax ah ka dib markii uu xusul ku dhufaty Yohan Cabaye – kulankii ay Manchester United 3-0 ku xaaqday Newcastle.

Tababaraha Magpies Alan Pardew ayaa ugu yeeray Xiriirka FA-gu inay eegaan hardan kubadeedkii dhex maray Van Persie iyo qadka dhexe ee reer France kaasoo madaxiisa uu ku dhacay xusul u muuqday mid ula kac ah.

Tababaraha United Sir Alex Ferguson iyo Wayne Rooney ayaan meel kasoo qaadin shilkaan, waxayna keliya amaaneen daafaca kooxdooda iyadoo Jonny Evans, Patrice Evra iyo Tom Cleverly ay ka caawiyeen guushoodii Premier League.

Van Persie ayaa maanta ganaax kala kulmi kara FA-ga, sababtoo ah garsoore Howard Webb nasiib uma yeelan inuu haleelo shilkii dacay daqiiqadii 84aad, waxayna xaaladaani sababi kartaa ganaax.

Tababare Pardew  ayaa yiri: “Wuxuu u muuqday inuu Yohan ku dhuftay xusul. Taasoo u baahan in dib loo eego. Waxaa jiray taariikh sanadkii hore ah mana garanaayo hadii uu Robin taas milicsanaayo. Wuxuu ahaa shil xun oo ciyaarta ka dhex dhacay.

“Uma maleynaayo inuu Yohan dhulka ku dhici lahaa hadii aysan wax gaarin. Lafsadeydu shilka ma arag horaantii balse waxaan daawaday ku celiskiisii waxayna u muuqatay inuu xusulka ku dhufanaayo.

“Hadii ay FA-gu eegayaan iyada? Iyaga ayey quseysaa waxay ka dhahayaan, aniga maya.”