25 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

R/W Cabdiweli maka qafiifay culeyskii?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Somaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa waxa uu ayiday jawaabta Beesha Caalamka ka bixisay khilaafka kala dhaxeey Madaxweynaha Dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxaa la sheegay in neef ka soo fuqday, markii Beesha Caalamka ka dhawaajisay in la iibsado codadka Xildhibaanada Baarlamanka, taasina ay caqabad ku tahay hiigsiga sanadka 2016-ka, oo lagu wado in doorasho dadweyne ka qabsoomto dalka.

Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, ayaa ku waramaay in uu yaraaday walaacii uu Ra’iisal Wasaaruhu ka qabay, in codka kalsoonida ay kala laabtaan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Soo fara-gelinta Beesha Caalamka ku soo sameysay siyaasada murugsan ee Somaliya, ayaa waxay dhantaashay ololihii dardarta ku socday, ee mooshinka looga diyaarinaayay Xukuumada C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Abtidoon oo ka mid ah Xildhibaanada taabacsan Ra’iisal Wasaaraha, ayaa Madaxtooyada Somaliya ku dhaliilay inay iyadu soo abaabuleyso mooshinka ka dhanka ah Xukuumada.

Madaxtooyadu wax jawaab ah kama bixin waxa ka jira in mooshinka ka soconaayo Magaalada Muqdisho, ay iyadu lafdhabar u tahay, balse waxay dadku ka dheregsan yihiin in Xildhibaanaadii Baarlamaanka ay Madaxda Dowladdu la kala safteen.

Isha dhacdo

- Advertisement -

Read more

Local News