30.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

R/W CCC oo durba ka cabanaya 2 arrin oo ay ka caban jireen Saacid iyo C/Weli

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa billaabay durbaba inuu ka cowdo arrimo dhowr ah oo ay ka caban jireen Ra’isul wasaarayaashii isaga ka horreeyey ee Cabdi Weli Sheekh Axmed iyo Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Ilo u dhow Cumar ayaa sheegay in balantu ay aheyd in toddbaadkii la soo dhaafay lagu dhawaaqo Wasiirada kamid ahaan doona Xukuumada R/W CCC, balse uu dib u dhacay ku yimid khilaaf jira awgiis.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in ra’isul wasaare CCC uu ka cabanaayo laba qodob oo xasaasi ah, islamarkaana ay horay uga caroodeen C/Weli Sheekh Axmed iyo Saacid inta uu xilka hayay, waxaana kamid ah:-

1 – In wasaaradaha ugu tayada badan shaqsiyaadka loo magacaabi lahaa uu Xasan Sheekh la yimaado, waxaana Wasaaradahaasi kamid ah:

Wasaarada arrimaha dibadda
Wasaarada arrimaha gudaha
Wasaarada arrimaha dastuurka
Wasaarada arrimaha Amniga
Wasaarada arrimaha Gaashandhiga
Wasaarada arrimaha Maaliyada
Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka

2 – Xasan Sheekh oo raba in Ra’isul wasaaraha uusan talo iyo tusaalaba ku yeelan dhismaha Xukuumada Cusub, balse uu isagu soo xulaayo Xubnaha ugu muhiimsan oo qaab Xarako u dhisan, Halka Cumar Cabdirashiidna uu halkaasi ka noqon doono magac u yaal.

Ra’isul wasaarayaashii hore ee Somalia, Shirdoon iyo C/Weli Sheekh Axmed, ayaa horay ugu hingoobay inay fahmaan Siyaasada Madaxweyne Xasan oo isagu aaminsan mabda’ kooxeysi, waxa ayna inta badan ka caban jireen Faragalinta Xasan Sheekh iyo Faarax C/qaadir ay ku hayaan Xafiiska ra’iisul wasaaraha, waana tan keentay in Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid oo dhawaan la magacaabay uu durbadiiba ka cawdo faragalinta Xasan iyo kooxdiisa.

Waxaa hada socda kulamo is xigxiga oo lagu doonaayo in lagu xaliyo Khilaafka ka taagan qaabka loo magacaabayo xukuumada cusub, iyadoona Xasan Sheekh uu dadaal xoogan ugu jiro sida uu ku xakameyn lahaa Siyaasada R/W CCC oo isagu diid liiska uu soo qoray Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News