Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in Xukuumada Somalia ay tallaabo cad ka qaadi doonto cidii ka tirsan Dowlada oo qaadacda go’aanka ay Dowladu ku qaadatay 4.5.
Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in cidna aysan ka aqbali doonin in Siyaasada dalka laga dhigo mid cid waliba ay dooneyso inay ku maamulato qaabka ay wanaageeda u aragto, waxa uuna carabka ku adkeeyay in laga soo bilaabo maamul Goboleed ilaa Siyaasi ay ku qasban yihiin qaadashada nidaamka ay Dowladu u aragtay wanaaga.
Puntland ayaa ah maamulka kale ee diidan nidaamkan.
Cumar C/rashiid waxa uu sheegay in madaxda maamulada dalka ay cayaar ka dhigteen ka tashiga aayaha Somalia, hayeeshee ay Dowladu cidna uga aaba yeeli doonin halka ay u aragto wanaaga.
Waxa uu ka digay in Siyaasiyiinta kasoo horjeeda masiirka Umadda Soomaaliyeed ay warxumo tashiil ka faafiyaan Dowlada, waxa uuna ballanqaaday in Dowladu ay la xisaabtami doonto cid waliba oo carqaladeyneysa Siyaasada Somalia.
Dhinaca kale, waxa uu ballanqaaday in Dowladu ilaa xad ay ka shaqeyn doonto qancinta cid kasta oo wax ka tabaneysa Dowlada, balse aysan aqbali doonin is hortaag.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]