Shariif Xasan oo beeniyay wararkii A/Madoobe.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa ka hadlay wararka sheegaya in madaxda maamulada dalka lagu qasbay inay qaatan nidaamka 4.5.

Shariif Xassan waxa uu sheegay in Idaacadaha maxaliga ah uu ka maqlay in madaxda maamulada qaar ay sheegen in lagu qasbay inay qaatan nidaamkaasi, waxa uuna shariif sheegay inaysan jirin cid lagu cadaadiyay qaadashada 4.5.

Shariif Xassan waxa uu cadeeyay in Hogaamiye waliba loo soo bandhigay arrinta la xiriirta 4.5, waxa uuna mid waliba soo dhaweeyay nidaamkaasi, islamarkaana aysan jirin cid la qasbay.

”Anigu shirka waan fadhiyay mana arag cid ay Beesha Caalamka iyo DFS ay qasbeyso. waa arrin laga wanaagsan yahay in laga been sheego xaqiiqda jirta ma filaayo inay jirto cid qasab lagu leeyahay”

Shariif Xassan waxa uu sidoo kale Tilmaamay in lama huraan ay tahay in nidaamkaasi la aamino islamarkaana Beel waliba looga baahan yahay inay ku kalsoonaadan waxa uga soo baxo nidaamka la casriyeynaayo.

Dhinaca kale, C/wali Gaas iyo Axmed Madoobe ayuu kaga digay inay faafiyaan wararka la xiriira in lagu qasbay inay qaatan 4.5.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com