Ban-ki Moon oo nasiinno u diiday Xasan Sheekh

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban-ki Moon oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh & Wafdiga dowlada Soomaaliya ee kusugan Addis Ababa.

Kulanka ayaa waxay kaga hadleen marxaladii ugu dambeysay ee dalka Soomaaliya iyo go’aanadii kasoo baxay shirkii dhawaan kusoo dhamaaday magaalada Muqdisho ee go’aanka siyaasadeed lagu gaaray.

Ban-ki Moon wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay natiijada ka imaan karta dowlada badaleyso dowlada Xasan Sheikh Maxamuud, wuxuuna dardaaran u jeediyay madaxda dowlada federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa u sheegay madaxda dowlada Soomaaliya in waqtigan aan la joogin waqtigii ay nasan lahayeen madaxda dowlada Soomaaliya, maadaama uu sheegay in xili adag la joogo.

Wuxuu sheegay Ban-ki Moon in waqtigan aan la joogin xili nasasho  oo la doonaya in madaxda Soomaalida ay horey usii wadaan nidaamka dowladeed ee dalka Soomaaliya.

Wuxuu si gaar ah u amaanay in haweenka Soomaaliyeed 30% ku yeeshaan xildhibaanada imaanaya dhamaadka sanadkan 2016.

Caasimada Online
Xafiiska Ethiopia
Caasimada@live.com