CC oo laba wasiir xilka ka qaaday iyo Xasan Sheekh oo ku raacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray xeer uu ku aqbalaayo xil ka qaadis uu Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid ku sameeyay laba wasiir oo ka tirsanaa Golaha Wasiirada.

Wasiirada uu Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid xilalka ka qaaday ayaa kala ah Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Khadra Bashiir Cali iyo Wasiirka Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed.

Wasiirada uu Ra’isul wasaaraha xilka ka qaaday ayaa waxaa lagu kala beddelay Dr. Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo noqonayaa wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, iyo Mudane Maxamed Xaaji Cabdinuur oo noqonayaa Wasiirka Caafimaadka.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha aqbaley magacaabista laba wasiir oo cusub oo xilalkaasi la wareegaya.

Dhanka kale, Aqbalaadda xil ka qaadista iyo magacaabista xubnahan Golaha Wasiirada ka tirsan ayaa dhaqangashay maanta oo Jimco ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com