Halis ku wajahneyd Muqdisho oo laga hortagay (Daawo sawirrada)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya gaar ahaan ciidamada NISA ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen gaari Kaarib ahaa oo lagu diyaarinayay waxyaabaha qarxa oo aad u culus, kaasi oo al doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka magaalada Muqdisho.

Ciidamada NISA ayaa gaarigaan kasoo qabtay goobta lagu diyaarinayay oo aheyd xaafada Generaal Daa’uud ee degmada Warta Nabbadda waxaana lagu hayaa saldhiga ciidamada NISA ay leeyihiin, sida saraakiisha ay sheegeen.

Sawirada laga soo qaaday gaariga iyo waxyaabaha qarxa ayaa muujinaya gaariga oo laga soo dajiyay agab culus oo qarax xoogan sameyn kara oo ay ka yihiin gumaca baasuukaha, neefta gaaska iyo waxyaabo kale.\

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa saaka sheegay iney wali socdaan baaritaanop kale oo laga sameynayo goobtii gaariga laga soo qabtay, waxaana wada ciidamada NISA.

Hoos ka daawo sawirada

Qarax Qarax1 Qarax2 Qarax3 Qarax4