Xog: Xasan oo heshiis ka dhex dhaliyey Jawaari iyo Shariif Xasan

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, ayaa sheegaya in Madaxweynaha DF Xassan Sheekh Maxamuud uu halkaasi ku heshiisiiyay Guddoomiyaha BFS Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Seddexda mas’uul ayaa kulan socday ku dhawaad hal saac iyo bar wada qaatay waxa ayna kawada hadleen xurguf siyaasadeed u dhexeysay Jawaari iyo Shariif Xassan.

Madaxweyne Xassan ayaa labada mas’uul isku gacangalshay waxa uuna ka dalbaday inay kasoo gudbaan khilaafka ka dhashay siyaasada ka dhexeysa, waxa uuna tilmaamay in wakhtiga dowlada uu yahay mid gabagabo ah loona baahan yahay in laga talaabo khilaafka.

Xassan ayaa Jawaari iyo Shariif Xassan isku gacangalshay waxa ayna intaa kadib u istaagen in midba midka kale uu ka raali galiyo khaladaadkii ay kala tabanayeen si wada shaqeyn uu u dhexmaro mudada ay socto doorashada.

Jawaari ayaa sheegay in dhankiisa uusan ka tabaneynin eed, halka Shariif Xassan uu isna ka sheegay in iminka beej cusub furi doono si looga gudbo muranadii ka dhashay siyaasada.

Khilaafka labada mas’uul ayaa taagnaa muddo laba sano ah, markii laga soo tago shaqooyinka uu jawaari ku tago Baydhabo iyo soo dhaweynta aan dhoola cadeynta laheyn uu kala kulmi jiray Madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Khilaafka labada mas’uul xoogiisa ayaa ka dhashay doorashadii uu kusoo baxay Shariif Xassan.

Talaabadaani ayaa waxaa guul u arka Madaxweyne Xassan Sheekh oo isaga uga dhex faa’iideysanaaya ololihiisa doorasho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com