Dacwo joogto ah: C/weli Gaas oo mar kale u qeyliyey Keating

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas iyo Wakiilka QM ee Somalia Michael Keating, ayaa kulan khaas ah kuwada qaatay magaalada Baydhabo kaasi oo ay uga tashanayeen qorshaha doorashada 2016-ka.

Kulanka C/wali Gaas iyo Ambassador Michael Keating, ayaa ahaa mid leysu weydaarsanaayay macluumaad ku aadan dhanka doorashada, waxaana inta kulankaasi uu socday erayo shaki badan dhaliyay keenay Madaxweynaha Puntland.

C/wali Gaas, ayaa sheegay in wakhtiga uu dhamaaday iyada oo aan wali la qaadin wax talaabo ah, waxa uuna shaki ka muujiyay Siyaasada DFS ee ku aadan doorashada.

Gaas waxa uu Mr Michael Keating u sheegay in xubno ay ku dhex darsadaan Gudiyada ku howlan howlaha doorashada si uu yiri looga feejignaado qaabab khaldan oo loo adeegsado doorashada.

Gaas waxa uu sidoo kale, Keating usoo jeediyay haddii ay suuragal tahay in DFS laga gacan maroojiyo dhammaan howlaha ku xeeran doorashada si aanu u imaan dib u dhac hal maalin ah.

Wakiilka QM ee Somalia Michael Keating, ayaa dhankiisa ka hor imaaday dhaliisha uu jeediyay C/wali Gaas, waxa uuna Mr Keating C/wali u cadeeyay in mowqifka Dowlada uu yahay qabsoomida doorasho xiligeeda ah, isaga oo ugu laabqaboojiyay in howsha ay u socon doonto qaabkii lagu wada heshiiyay.

Keating, waxa uu cadeeyay in mowqifka Dowlada Somalia uu ka duwan yahay kii hore, sidaa aawgeedna Puntland looga baahan yahay inaanu fartaagan noqon oo ay la sinaato maamulada kale ee dalka ka jira.

Kulanka Keating iyo Gaas ayaa ahaa mid xog wareysi ah, waxa ayna markii danbe isla fahmeen in laga dhowr sugo DFS oo aan la degdehin.

Si kastaba ha ahaatee, kulanka labada mas’uul ayaa kusoo dhamaaday jawi shaki bixin ah, waxaana halkaasi lagu qanciyay madaxweynaha Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com