Xog: Imisa dal ayaa ku lug lahaa arintii ka dhacday shirka Jowhar?

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan madaxtooyada Somalia si wada jir ah loogu ansixiyay Heshiis hoosaad qeexaaya in Ururka IGAD lagu wareejiyo shirka fashilkiisa batay ee ka socda magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Hoose.

Soo jeedinta wareejinta shirkaani ayaa waxaa lahaa Wakiilka Midowga Yurub ee Somalia Michele Cervone D’urso, waxaana ku raacay Wakiilada Mareykanka, Kenya iyo Itoobiya.

Qorshaha wareejinta shirka ayaa waxaa lahaa Dowlada Ethiopia oo iyadu dooneysa in Madaxweynaha cusub ee maamulkaasi uu ku imaado xulisteeda, waxaana in lagu wareejiyo IGAD saxiixay Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud.

Maamulka guud ee shirka Jowhar laga soo wareejinaayo loona soo wareejinaayo magaalada Muqdisho, ayaa waxaa loo dhiibay Gen. Gebra oo isagu ku taamaya in Gobol waliba oo Somalia ka tirsan laga maamulo magaalada Addis ababa.

Qorshaha guud ee laga damacsan yahay u gacan galinta shirkaasi IGAD ayaa ah in maamulkaani harsan uu halboole dhaqaale u noqdo Dowlada Ethiopia.

Qorshahaani ayaa ah mid dano Siyaasadeed laga leeyahay waxaana durbaanka u garaacaya EU-da iyo Mareykanka oo iyaguna ka shaqeynaaya in Somalia ay kusii jirto khaska iyo burburka.

Si kastaba ha ahaatee, qaska shirka Jowhar ayaa laga gaaray dantii laga lahaa waxa ayna aheyd in gabagabadiisa ay maamusho Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com