Xog: 5 qodob oo sababay Ethiopia in lagu wareejiyo shirka Jowhar

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa sii ballaaranaaya hamiga Dowlada Ethiopia ee Somalia, waxaana soo baxaaya in shirka laga soo wareejiyay magaalada Jowhar laga damacsan yahay qorshooyin Siyaasadeed oo ay wadato ethiopia.

Shirka lagu wareejiyay IGAD ayaa waxaa laga damacsan yahay laba qodob oo kala ah in magaca guud ee la wareegida shirka ay lahaan doonto IGAD, halka Dowlada Ethiopia ay ka lahaan-doonto Siyaasada, maamulka iyo in maamulka cusub lagu biiriyo kuwa kale ee u hogaansan Ethiopia.

Haddaba ujeedka laga leeyahay in shirkaasi lagu wareejiyo Ethiopia oo ku hoos dhuumaneysa ”IGAD” ayaa ah:-

1- In Siyaasada Gobolada dalka laga maamulo magaalada Addis ababa.

2- In maamulka cusub ee loo dhisi doono Hiiraan iyo Sh/Dhexe uu ku biiro maamulada Somalia oo ay hanatay Ethiopia sida Jubbaland, Puntland, Koonfur galbeed iyo Galmudug.

3- In Dowlada Ethiopia ay Siyaasada Somalia u adeegsato kicinta maamulada dalka maadaama halka u harsan maamulada dhismihiisa lagu wareejiyay.

4- Ku wareejinta shirka iyo maamulidiisa oo Ethiopia ay ku bedelaneyso taageerida Madxaweynaha Somalia Xassan Sheekh.

5- Hanaanka socoshada shirka oo lagu soo diyaariyay magaalada Addis ababa, balse magaca guud ee lagu maamuli doono shirka ayaa waxa uu noqon doonaa magaca IGAD, waxaase Siyaasada iyo amarka lahaan doona Dowlada Ethiopia.

Madaxweyne Xassan ayaa Dowlada Ethiopia ku qanciyay inay meel-mariso shirkaasi oo aan wali ka bogsan khilaaf iyo isfahan’waa ka dhexeeya beelaha ku nool Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Tani waxa ay daliil u noqoneysaa in Madaxweynaha cusub ee maamulkaasi dhismihiisu socda ay la imaan-doonto Dowlada Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com