Xog: 2 halis oo ka dhalan karta xubnaha aqalka sare lagu daray

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa warkii hordhaca ahaa ee ku saabsanaa in laba xubnood Beelaha Banaadiriga laga siiyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya sida uu saxaafadda u dusiyay guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar.

Shirka Madaxda Madasha Qaran ee ka socda Baydahaba ayaa looga dooday in beel dhan ay ka maqan tahay Baarlamaanka Aqalkiisa sare oo hore muran uga jiray in laga tegay Gobolka Banaadir, waxaana arrintaasi ay keentay dood kale oo arrintan ka dhalatay.

Madaxda Madasha ayaa gareystay in dhammaan maamulada loo qeybiyay xubnaha aqalka sare ee Baarlmaanka aanay jirin meel ay kasoo geli karaan xubno ka socda beeshan oo keligood beel ahaan looga waayay Aqalka Sare, waxaana la isla gartay in laba xubnood loogu daro.

Arrintan waxay dhinaca kale horseedi doontaa laba arrimood oo ka culus arrinta la doonayo in lagu xaliyo:

1 – In Gobolka Banaadir oo rasmi ahaan uga maqnaado Aqalka Sare lagana tago.

2 – In Aqalka Sare ee Baarlamaanka uu noqdo mid wax sharci ku fadhin, isla markaana lahayn qaab uu ku saleysan yahay.

Qodobka hore wuxuu caddeynayaa in qorshihii ahaa maqaamka Gobolka Banaadir iyo Guddigii la sheegay in loo saaray sidii Caasimadda xubno ugu yeelan lahayd aqalka sare uu meesha ka baxayo, waxaana taasi ku imaaneysaa in beel ka mida beelaha Muqdisho dega si gaara loo maamuusay, haddii aan si kale loo dhigin arrintan.

Qodobka labaad oo ugu darran waa qaabka loo dhisayo Aqalka sare oo markii ugu horeysay ay tahay inay Soomaaliya yeelato. Aqalkan oo dad badan ka hor jeedaan inuusan munaasib ku ahayn dalka, ayaa waxaa hadda muuqata inuu noqday Baarlamaan ashaamud aan sal sharciyeed iyo qoonde uu ku saleysan yahay aanay jirin.

Waxaa markii hore lagu qeybiyay maamul goboleed, laf ahaantiisa mala awaal ahaa markii lagu daray Somaliland, kadibna xubnod dheeraad ah la siiyay Puntland iyo Somaliland. Waana sababta looga tegay Gobolka Banaadir ee caasimadda ah.

Waa marka labaade waxaa haddana lagu soo kordhinayaa xubno qaab qabiil ku imaanaya, tani oo ka dhigeysa in dhismaha Aqalka sare uu noqonayo mid aan sal lahayn oo ay dhib noqon doonto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com