Shaqaalaha garoonka Hargeysa oo amar yaab leh lagu soo rogay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, ayaa sheegaya in maamulka Garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa uu mamnuucay gabi ahaan isticmaalka Telefanada casriga ah.

Maamulka Garoonka ayaa sheegay in gabi ahaan shaqaalaha Garoonka aan lagu arki karin iyaga oo wata Moobilada casriga ah, iyadoo maamulka uu ku goodiyay in talaabo uu ka qaadi doono cidii uu ku arko isaga oo isticmaalaya Mobilka casriga ah.

Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland, Cumar Sheekh Maxamed Faarax, ayaa sheegay in awaamirtaasi ay khasab ku tahay Howlwadeenada Garoonka Hargeysa waxa uuna carab dhabay in ciqaab uu muteysan doono qofkii ka gaabiya fulinta amarkaasi.

Cumar Sheekh Maxamed Faarax, waxa uu maamulka Garoonka uga digay inay la socon waayan shaqaalaha waxa uuna cadeeyay in cidii jabisa amaradaasi khalkhiil gali doono howshiisa.

Waxaa uu ku adkeeyay Shaqaalaha Garoonku inaanay adeegsan teleefanadooda gacanta, xilliga shaqada, maadaama sida uu sheegay ay mamnuuc tahay xilliga shaqada in wax ka baxsan shaqada lagu mashquulo.

Dhanka kale, Wasiir Cumar Sheekh Maxamed Faarax, ayaa sidoo kale sheegay in tani ay ku xoojinayan ammaanka dadka safarka ee ka soo degaaya, kana dhoofaaya Garoonka Magaalada Hargeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com