Xog: DF oo si cajiib u musuqday Gargaarkii Turkiga ee Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno howlwadeeno ka tirsan Wasaarada arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumada Somalia, ayaa sheegaya in qaabab khaldan loo musuqay gargaarkii dhawaan uu Turkiga ugu deeqay Somalia.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in gargarkaasi loo qeybiyay keliya degmooyinka iyo maamulka Gobolka Banaadir, halka inta soo hartayna ay suuqyada u iibgeysteen mas’uuliyiinta ugu sareysa Wasaarada.

Gargaarkaasi oo loogu talo galay in lageeyo min Muqdisho ilaa gobolada dalka, ayaa waxaa iminka soo baxaaya in toban meelood dhig barkiisa laga baxshay, halka inta soo hartayna la mariyay wadooyin khaldan islamarkaana lagu shubay suuqyada lagu kala iibsado deeqaha.

Magaalada Muqdisho ilaa Gobolada dalka ayaa waxaa ku nool kumanaan kun oo Soomaali ah kuwaasi oo ku nool xaalado adag, balse waxaa arrintaasi iska indhatiray maamulka sare ee Wasaarada.

Musuqaani ka dhex aloolsan wasaarada arrimaha gudaha ayaa waxaan wali ka hadal xukuumada Somalia oo iyadu ay mas’uuliyad ka saaran tahay la socodka deeqdaasi.

Dhanka kale, waxaa cabasho kasoo yeereysa dadka loogu talo galay deeqdaasa ee ku duruufeysan wadooyinka iyo xaafadaha qaar kuwaasi oo aan jirin cid u maqan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com