Xog: Wasaarad ka mid ah DF oo isku bedeshay wasaarad Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa laga deyrinayaa shaqooyinka ka dhex socda Wasaarada boostada iyo isgaarsiinta Xukuumadda Somalia, kadib markii halkaasi ay saldhig u noqotay dhalinyaro iyo odayaal asal ahaan kasoo jeeda dalka ethiopia.

Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Maxamed Jaamac Mursal (Geelle) oo xilkaasi la wareegay May 10, 2016, ayaa waxaa lagu dhaliilay in shaqaalaha Wasaarada uu kala eryay isaga oo shaqaale cusub kala imaaday magaalada Jigjiga, halka qaarna uu ka dhex qortay magaalada Muqdisho.

Shaqaalaha qaar ee wali ku harsan Wasaarada ayaa sheegay in Geelle uu gabi ahaan Wasaarada ka dhigay mid dhaxal u ah, waxa ayna carab dhabeen in Wasaarada uu ka dhigay Kafateeriyo uu ku qaabilo diblumaasiyiinta ethiopia ka jooga Somalia.

Mid kamid ah xubnaha iminka ka howlgala Wasaarada ee aan xogtaani ka helnay ayaa sheegay in Wasiir Geelle uu ilaa iyo iminka qaban wax howl ah islamarkaana uu yahay mid ku mashquulsan safaro uu u kala gooshaayo Muqdisho, Jigjiga iyo Addis Ababa.

Wasaarada boostada iyo isgaarsiinta Xukuumadda DF oo xili hore aheyd Wasaaradaha ugu howsha badan, ayaa iminka u muuqata mid aad u liidata ka dib markii lagala weecday haabkii ay ku shaqeyneysay.

Howlwadeenada Wasaarada ayaa la soo warinayaa in dhowr jeer ay cabasho u gudbiyeen Xukuumada Somalia, hayeeshee waxaan jirin jawaab laga baxshay cabashadooda.

Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Xukuumadda DF Maxamed Jaamac Mursal (Geelle), ayaa waxaa xilkaasi Xukuumada Somalia uga dhameyay Dowlada Ethiopia, waxa uuna waligii ahaan jiray gacanyarihii Gen. Gebra.

Dhanka kale, Wasaarada Boostada Somalia, ayaa si rasmi ah ugu gacangashay Dowlada ethiopia waxaana mar waliba suuragal ah in Sirta Dowlada ay u wada gacan gasho Dowlada ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com