Lama filaan: Axmed Madoobe oo siyaasada ka baxaya (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa qaatay go’aan dad badan aysan fileyn oo ku saabsan hankiisa dhanka siyaasada.

Axmed Madoobve oo la hadlay wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa wuxuu shaaciyay waxa uu qabanayo marka uu ka dhamaado xilka madaxtinimada ee maamulka Jubbaland.

Wuxuu si cad u sheegay in xiligan uusan laheyn hami uu kaga sii mid noqonayo dowlada cusub ee sanadkaan 2016 dhismeysa, isagoo sidoo kale sheegay inuusan jirin musharax uu la doonayo xilka madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkaan.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay inuu ku laabanayo howshiisii hore oo aheyd ganacsi uuna doonayo inuu noqdo qof baayac mushtara oo ganacsigiisa ku dadaala.

“Anigu ma doonayo inaan siyaasada kusii dhex jiro, walaa doorashada 2016 ma jirto cid aan wato iyo cid aan la doonayo xilka, waxaan doonayaa inaan ku laabto ganacsigeygii oo baayac mushtar aan iska noqdo, waxaan kaloo doonayaa inaan siyaasada xor ka noqdo, balse hadda oo aan siyasada ku jiro inaan wax taariiqda gala kaga tago”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Waa hogaamiyaha kaliya ee haatan haya xil madaxweyne maamul goboleed oo shaaciya inuusan kusii jiri doonin siyaasada Soomaaliya, laakiin ma uusan shaacin waxyaabaha dhabta ah ee go’aankaasi ku qasbay.

[su_audio url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/06/Axmed-Madoobe-Ma-rabo-inaan-siyaasadda-ku-sii-jiro.mp3”]

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com