Dhageyso Jabriil Cabdulle: Halis ayay ku jirtaa qaranimadi Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Jibriil Ibraahim Cabdulle oo u ololeeya howlaha nabadda xubin muuqatana ka ah ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa waxaa uu siiyay wareysi dhinacyo badan taabanaya wargeyska Wardheernews.

Wareysiga ayaa waxaa lagu lafa guray arrimo badan oo ka mid yihiin musuqmaasuqa, doorashada 2016, iyo dhibaatooyinka baahsan ee ka jira guud ahaan dalka Soomaaliya. Jibriil oo ah aqoon yahan in badan ka soo shaqeeyay gudaha dalka Soomaaliya, kuna caan baxay dib u heshiisiinta ayaa ku nuux nuux saday qaabka ugu habboon oo loogu soo dabbaali karo dib u heshiisiin dhab ah ummadda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in sheyga ugu muhiimsan in la helo nabad iyo dowlad xoog leh aay tahay CADDAALADA oo hadda ka maqan dalka iyo dadka Soomaaliyeed

Jibriill ayaa lagu wadaa in uu ka mid noqdo dadka ugu cad cad tartanka Madaxtinimada Soomaaliya la filayo in ay ka dhacdo Soomaaliya dabayaaqadda sanadkan 2016.

Xigasho Wardheernews.
Wareysiga oo buuxa halkan ka dhegeyso

[su_audio url=”http://www.wardheernews.com/wp-content/uploads/2016/06/Barnaamijka-Raadraac-.mp3?_=1″]

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com