Xog: Wada hadal laga dhexwaday Gaas iyo Gallan oo fashilmay.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanada maamulka Puntland ayaa sheegaya inuu fashilmay dadaalo waan-waan ah oo laga dhex waday madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas iyo Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan.

Waan-waanta ayaa waxaa labada dhinac ka dhex waday Nabadoono kuwaasi oo ka kala socday labada dhan si xal looga gaaro dagaalada ka taagan duleedka degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Fashilka wada-hadalka ayaa fashilmay kadib markii Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan uu diiday inuu la fadhiisto Odayaasha ka socda dhanka C/wali Gaas.

Gallan ayaa sheegay in wada-hadal uu imaan doono goorta lagu kala baxo dagaalka socda waxa uuna wacad ku maray in marnaba aysan ka gaabin doonin dadaalada kaga aadan waxa uu ugu yeeray xoreynta Puntland.

Gallan ayaa sheegay inaanu jiri ujeedo uu kula hadlaayo Odayaasha ka socda dhanka Gaas, waxa uuna carab dhabay in ciidamadiisa lagu dhex arki doono magaalooyinka Puntland.

Haddalka Mr Gallan ayaa u muuqda mid loogu caga jugleynaayo C/wali Gaas, waxaase laga cabsi qabaa in caga jugleynta ay isku bedesho dagaal aan joogsi laheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com