26.6 C
Mogadishu
Thursday, January 15, 2026

CC oo sheegay cida hortaagan xuquuqda gobolka BANAADIR

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa iska fogeeyay ku lug lahaanshiyaha diidmada Xuquuqda Gobolka Banaadir.

Sharmaarke waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in inta badan shacabka ay farta kusoo fiiqayaan, balse waxa uu cod dheer ku sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan waxba ka galin arrinta Gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegay in howshaasi uu gacanta kula jiro Madaxweynaha dalka, sidaa aawgeedna uu isaga u daayay wixii kasoo baxana isaga laga sugi doono.

Sharmaarke waxa uu sheegay in Madaxweynaha dalka uu u sameeyay tallo soo jeedin, waxa uuna sidoo kale rajo ka muujiyay in waxbadan ay ka bedeli doonto tallo soo jeedintiisa howlaha isku cakiran.

Sharmaarke ayaa hadalkaani sheegay xili uu la kulmaayay Odayaasha Gobolka Banaadir.

Geesta kale, Sharmaarke ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda magaalada Muqdisho looga baahan yahay inay la imaadan sabar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News