25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

R/W Sharma’arke oo la kulmay odayaal dhaqmeedyo laf dhabar u ah dowladda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in R/W CCC uu xafiiskiisa kulan kula qaatay tiro Odayaal la sheegay inay laf dhabar u yihiin DF Somalia.

Odayaashani ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwo badi xaliya Khilaafyada dalka gaar ahaan kuwa dhexmara madaxda, waxa ayna isugu jiraan ilaa dhowr qabaa’il.

R/W CCC ayaa waxa uu Odayaasha kala hadlaayay qaabka uu xukuumadiisa usoo dhisi doono iyo kaalinta kaga aadan Odayaasha.

CCC ayaa waxa uu Odayaasha u sheegay in xukuumadiisu ay noqon doonto mid waxbadan ka bedesha Siyaasada dalka, islamarkaana looga baahan yahay inay taageeran talaabooyinka ay Xukuumadu qaadeyso, iyadoona ay taasi soo dhaweeyen Odayaasha.

Kulanka Odayaasha iyo R/W CCC ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay tan iyo markii xilkaasi loo dhiibay R/W Cumar Cabdirashiid.

Dhanka kale, Ra’isul wasaaraha iyo Odayaasha ayaa la filayaa inay isugu imaan doonan kulan balaaran oo kan ka duwan, iyadoona ay xusid mudan tahay in Odayaashaasi ay CCC kala hadleen ilaalinta nidaamka xulasho ee Xubnaha Xukuumadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News