25.3 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

Kheyre oo ugu danbeyntii ku guuleystay xal u helida caqabado ku hor gudboonaa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre uu ku guuleystay xal u helida Xildhibaanada BFS ee maalmahaani diyaarinaayay mooshinka.

Ra’isul wasaaraha oo maalmahani ku howlanaa xalinta mooshinka ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu iminka kala diray dhammaan mooshin wadayaasha.

Mid kamid ah Xildhibaanada mooshin wadayaasha oo ka gaabsaday isticmaalka magaciisa sababa jira aawgood ayaa sheegay in lasoo afjaray khilaafka Kheyre kala dhexeeyay Xildhibaanada mooshin diyaarinta ku howlanaa.

Waxa uu Xildhibaanka ku nuux-nuuxsaday in xalinta Khilaafka ay ka qeybqaaten Wasiiro iyo Xildhibaano kale oo ka kala tirsan labada Gole.

Waxa uu iminka Shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyay in laga gudbay mooshinka, kadib markii leyskala gudbay qaladaadkii jiray.

Ra’isul wasaaraha ayuu sheegay inay muhiim u tahay in laga saxo wixii khaladaad ah, waxa uuna intaa raaciyay in xiligaani guul laga gaaray xalinta mooshinka.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa dhankiisa ka aqbalay in si guud loo wada saxo wixii Khaladaad ah ee ka dhaca Xukuumada, si looga gudbo ciladaha daashaday Hay’adaha dalka.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaare Kheyre ayaa maalin un ka hor magaalada Kismaayo ka sheegay in wada shaqeyn wanaagsan ay ka dhaxeyso Xukuumada iyo baarlamaanka, waxa uuna meesha ka saaray Khilaafka ka dhexeeya labada Hay’adood.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News