26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Saacid oo baarlamanka ka codsaday in dib loo dhigo mooshinka ka yaalla

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho, waxa ay mudanayaasha baarlamaanka waxa ay ka codsadeen inay siiyaan xukuumadda uu hoggaamiyo Raysal Wasaare Saacid fursad ku filan oo ay ku soo bandhigaan waxqabadka sannadkii tagay.

Afhayeenka xukuumadda, Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo kulanka markii uu soo dhammaday saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in golaha wasiiradda maanta ay ka hadleen arrimo badan oo ay ka mid tahay mooshinka xukuumadda ka yaalla baarlamaanka, kaasoo la doonayo in maalinta Sabtida cod loo qaado.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in Goluhu uu ka sheegay fadhigga maanta in ay ku kalsoon yihiin xukuumadda Raysal wasaare Saacid inay ku qancin doonan baarlamaanka wax qabadka muddada ay jirtay.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ku celceliyay Golahu in uu soo jeediyay in din loo dhiggo mooshinkaas si xukuumadda ay u soo bandhigo wax yaabaha ay qabatay.

Dhinaca kale, afhayeenka raysal wasaaraha ayaa caddeeyay in golahu uu 100% isku raacay soo jeedinta Wasiirka Maaliyadda oo ahayd in si KMG loogu magaacaabo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe oo Bashiir Ciise Cali oo ah aqoon yahan Soomaaliyedd khibrad dheeraad ahna u leh arrimaha maaliyada kuna soo dhexjiry 50-kii sano ee la soo dhaafay.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in guddoomiyaha cusub uu xilal kala duwan ka soo qabtay Bangiyadii kala duwaan ee dalka, isagoona la soo shaqeeyey dhamaan dowaladihii dalka soomaray.

Sidoo kale Golaha wasiirada ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey miisaaniyada sanada 2014 taas oo gaaraysa 220 malyan oo doolar, waxaana miisaaniyada sanadkaan lagu soo kordhiyey qoondo loo sameeyey Hay’adaha kala ah: Hay’ada Xadaynta Badda, Maaraynta Masiibooyinka Qaranka, Jaamacada Umadda, Gudiga Qaxootiga Qaranka, Gudi Xuquuqul Insaanka, iyo Maxkamada dastuuriga ah oo loogu kordhiyey lacag gaaraysa 1.5 malyan oo doolar.

Kulankii maanta waxaa shir gudoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”,oo hadda khilaaf ballaaran uu kala dhexeeyo madaxweyne Xasan Sheekh oo isna maanta ka qaybgalay xalfad loo sameenayay arday ka qalinjabineysay Jaamacadda SIMAD ee Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News