Nairobi (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online, ayaa ogaatay magaca guddoomiyaha cuusb ee baanka Soomaaliya, kaasoo labo maalin ka hor uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Mas’uulka loo magacaabay Baanka dhexe ee Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa Bashiir Ciise Cali , waxaana uu horrey uga soo shaqeeyay hey’addihii maaliyadda ee dalka xilliyadii kacaanka.
Sidoo kale, waxaa loo magacaabay Baanka dhexe sannadkii 2004-, xilligaas oo dalka ay ka jirtay dowlad kumeel gaar ah madaxna uu ahaa AUN Cabdulaahi Yuusuf Axmed, isla sannadkii 2009 ayaa loo magacaabay xilligaas waxaana dalka madaxweyne ka ahaa Shariif Sheekh Axmed.
Mas’uulkan ayaa bedalaya Yussur Abraar oo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee loo magacaabo xilka guddoomiyaha baanka Soomaaliya, balse si lama filaan ayey isku casishay.
Waa guddoomiyihii seddaxaad oo muddo sannad ah loo magacaabo baanka dhexe ee Soomaaliya, waxaa la horeeyay labo guddoomiye kuwaas sababo aan la sheegin isku casilay.
Si kastaba, xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka Puntland, waa yaahan dambe ma fiicnneen, waxaa dhowr jeer Puntland ay sheegtay in xiriirka u jartay dowladda fedaraalka Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi

