25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

RW Saacid oo la kulmaya Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Yemen

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Sana’a (Caasimada Online) Raysal Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo maanta gaaray dalka Yemen, ayaa lagu wadaa in ay kulamo la yeesheen jaaliyada Soomaalida ee ku noo caasimada Sana’a.

Sida uu lee yahay wariye ku sugan Sanca, ra’iisal wasaaraha iyo wafdiga la socda ayaa kala hadlaya xaaladda ay ku nool yihiin iyo in dowladda ay ka warqabto Soomaalida ku nool dalka Yemen.

Dhinaca kale, wakaalada wararka Yemen ee Saba ayaa soo warisay in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdi la socday oo soo gaaray Yemen Isniinta maanta in ay kulamo la qaateen  madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Yemen Cabdu Rabbuh Mansuur iyo Maxamed Saalim.

Labada dhinac ayaa si qoto dheer ugu wada hadlay iskaashi cusub oo dhex mara dowladaha Soomaaliya iyo Yemen.

Wakaalada ayaa wararka Yemen ayaa sidoo kale sheegtay in ra’iisal wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon uu ugu mahad-celiyay martigalinta ay dowladda Yemen u fudisay qaxootiga Soomaalida kaddib dagaalladii sokeeya ee ka dhacay dalka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa dhinaca kale, ugu warbixiyay madaxda dalka Yemen horrumarada kala duwan ee ay gaartay dowladda muddada sannadka ay jirtya, isagoo xusay in Soomaaliya ay ku socoto waddadii lagu gaarsiin lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo dhacda sanadka 2016-ka iyo dastuur rasmi ah oo ay yeelato Soomaaliya.

Intaas kaddib, madaxweynaha Yemen Cabdu Rabbuh Mansoor  ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay u muuqato inay ka soo kabaneyso dhibaatooyinkii dalka ka dhacay, isagoo ballan-qaaday in dowladdiisu ay gacan ka geysan doonto dedaallada caalamka ee lagu doonayo horumar iyo nabad waarta oo ka dhalata Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Sana’a

 

- Advertisement -

Read more

Local News