Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si weyn u soo dhaweeyey shirka taariikhiga ahaa ee Hiigsiga Cusub (New Deal) oo shalay lagu soo gaba-gabeeyey magaalda Brussels ee dalka Beljamka.
“Shirkii lagusoo gaba-gabeeyay Brussels waa talaabo horay loogu qaaday dib-u-dhiska dalka, waana qorshe Soomaaliyeed. Waxaa dadaal loo galay bilihii ugu danbeeyey in laga qayb galiyo barnaamijkan la-tashigiisa dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaa kale oo farxad noo ah in caalamku garwaaqsaday in dowladda Soomaaliya ay awood u leedahay maaraynta dhaqaalaha loogu deeqay, taas oo tusaale loogu soo qaadan karo habkii casriga ahaa ee dowladdu u dajisay deeqdii ka timid dalka Norway ee loo qoondeeyey in lagu bixiyo mushaaradka shaqaalaha rayidka ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kale xusay in sadexda sano ee soo socota qorshaha dowalda u yaala aysan ku filnayn yabooha hada la sameeye, balse ay ka filayaan caalamka gacan taas ka weyn.
Hiigsiga cusub wuxuu ahmiyad siinayaa in dhaqaalaha loogu yaboohay Soomaaliya lagu hormarinayo dhamaan gobolada dalka, iyadoo wax looga qabanayo dib-u-dhiska wadooyinka, horumarinta beeraha iyo xoolaha, arrimaha waxbrashada, iyo caafimaadka,” Aad ayaan ugu farax sanahay dadaalda kala duwan ee dowladu ugu jirto sidii looga fa’idaysan lahaa qorshaha Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya, kaas oo ahmiyad gaar ah siinaya xasilinta dalka, habaynta garsoorka, sare u qaadida maamulka iyo maareynta lacagaha iyo dib u soo kabashada ilaha dhaqaalaha” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Saacid
—DHAMAAD–