Jowhar iyo Muqdisho oo kala xirmay

Jowhar (Caasimada online) Sida warar aan ka heleyno magalada JOWHAR ee Xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ay Sheegayaan , waxaa Xiran Wadada Xiriirisa Muqdisho iyo gobolada Dhexe ee dalka Soomaaliya gaar ahaan  wadada Muqdisho iyo Jowhar u dhexeysa .

Xasan Maxamed Cismaan, oo ka mid ah Dhalinayada reer Jowhar ayaa warbaahinta u sheegay in Maanta wadadaasi ay tahay mid hakad ku jirta kadib markii Meel u dheeysa Tuuleeyinka Koongo iyo Garaash, oo ah Tuulooyinka Wadada Muqdisho iyo Jowhar ku yaala Isla-markaan qiyaastii Ilaa 5 KM u jira magaalada ay Biyo Buux dhaafiyeem .

Gadiidka isasga kala gooshi jiray Jowhar iyo Muqdisho ayuu tilmaamay in la isugu geeyay Tuulada Koongo , halkaas oo uu sheegay in dadka Jowhar ka socdaalaya ee Muqdisho aadaya ay ka baxayaan isagoo shaaciyay in dadkaas ay sii dhex jiirayaan Biyo uu sheegay inay gaarayan ilaa Jilibka .

Sidoo kale Dadka ka socdaalaya Muqdisho ee Jowhar gaaraya ayuu tilmaamay inay ku egyihiin Gaadiidka Muqdisho kasoo qaada Tuulada Koongo halkaas oo iyana dhankooda kasoo lugeynaya iyagoo Biyahaas wadada gala ay dhe jiirayaan si magaalada Jowhar ay u gaaran .

Gudoomiyaha Guddiga Maareynta Musiibooyinka Gobolka Shabeelaha Dhexe  Cismaan Maxamed Baareey, oo dhankiisa warbaahinta la hasdlay wuxuu sheegay in aan Biyaha Wadada Soo galay aan lagu tilmaamai karin in ay wadada gooyeen balse wuxuu sheegay in wadada hakad yar uu soo galay dadaal xoogana ay ugu jiraan sidii arintaas ay uga hortagi lahaayeen .

Wuxuu sheegay in ka gudi ahaan ay wax badan ka qabteen Fatahada webiga Shabbeele Gaar ahaan Fatahaadaha Webigaas uu ka sameeyay Tuulooyin dhowr ah oo hoortaga degmada Jowhar .

Mudooyinkii dambe waxaa jirtay Cabsi xoogan oo laga Muujinayay Fatahaadda Webiga Shabeelle Gaar ahaan deegaanada ku dhaw dhaw Magaalada Xarunta u ah gobolkaas ee Jowhar , Waxaana jirta in Dadaal xoogan oo ay dhalinta reer Jowhar ay sameeyee ay kaga bad baadiyeen Dhowaan Fatahad Webigaas uu ka sameyn lahaa Magaalada .

Halkaan ka dhageyso Codka Xasan Maxamed ee Jowhar

Halkaan ka dhageyso Xasan Maxamed Cismaan

Caasimada online

Xasfiiska Muqdisho

Caasimada@live.com