Xasan Sheikh iyo wafdi gaaray Roma

Roma (Caasimada online) Madaxweynaha DowladA Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Roma ee Caasimada Dalka Talyaaniga.

Kadib markii madaxweyne Xasan uu Magaalada Brussels uu ugu soo idlaaday shirkii Hiigsiga Cuseb ee New Deal  ayuu madaxweynuhu  u ambabaxay Talyaaniga, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Madaxda Talyaaniga iyo  Safiirka cusub ee Soomaaliya , iyo madaxda qeybaha kala duwan ee jaaliyada  Magaalada Roma.

Ujeedada Safarka Madaxweynaha ayaasida la sheegay  waxa ay la xiriirtaa Casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxda dalkaas , waxaana inta uu Talyaaniga joogo uu la kulmi doonaa ra’isul wasaaraha Dalka Talyaaniga Enrico Letta, iyo wasiirka arimaha dibada ee Talyaaniga Emma Bonino, iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka Talyaaniga, iyo waliba qaar ka mid ah hay,adaha caalamiga ah ee ee Magaalada Roma ku leh xarumaha.

sida  uu warbaahinta  u sheegay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Mr. Kamaal Xasan, Madaxweynaha ayaa kulamo la qaadan doono inta uu talyaaniga joogo Hey’ado caalami ah iyo madaxda dalkaas.

Ra’isul wasaare ku xigeen ahna wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya  C/xakiin Macalin Fiqi, Wasiirka  Maaliyada iyo Qorsheynta caalamiga  Maxamuud Xasan Suleymaan, iyo Xubno kale ayaa qeyb ka ah wafdiga madaxweynaha ee gaaray Roma.

Madaxweynaha ayaa mudo laba cesho ah ku sugnaan doona talyaaniga ka dibna waxa uu u ambabaxayaa magaalada New York ee  Xarunta Qaramada Midoobay sida la qorsheynayo.

Caasimada onlie

Xafiiska Roma

Caasimada@live.com