S/LAND oo soo dhoweysay hadal kasoo yeeray safiirkii Mareykanka ee Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo u warramayey warbaahinta ayaa soo dhoweeyy hadalka safiirkii hore ee Mareykanka u qaabilsanaa Soomaaliya Stephen M. Schwartz oo shaaca ka qaaday in Somaliland ay u qalanto inay dawladdiisu ka furato Qunsilyad.

Faratoon ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ay si aad ah u soo dhoweyneyso hadalka safiirka oo uu tilmaamay inuu yahay mid xaqiiqo ah.

“Hadalka Amb. Stephen M. Schwartz, waanu soo dhawaynaynaa Dawlad ahaan, si fiicana wuu u hadlay, wax jirana wuu sheegay,” ayuu yiri Yaasiin Faratoon.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in horumarka ka jira Somaliland ay ku gaareen wax-qabad iyo dadaal badan ay sameeyeen ka maamul ahaan.

“Dabcan, Amb. Stephen M. Schwartz, wuxuu si cad oo qiimo leh u sheegay isla markaana qiray in dalkeenu yahay dal deggan oo xasiloon, oo la isku helayn karo, heerka aynu maraynana waxaynu ku gaarnay dadaalkeena, Juhdigeena iyo wax qabadkeena,” ayuu sii raacsiiyey wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Somaliland.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Somaliland ay ka go’an tahay inay si wado dadaalkeeda ku aadan raadinta ictiraafka ay dooneyso, si ay uga go’odo Soomaaliya.