Saacadaha musuq maasuqu xalaasha yahay: Hal ku dhiga wasiirada cusub ee Somalia 

Ma waxey kula tahay in Somalia ay ka baxday marxaladii Musuq maasuqa ? Hadii aad haa dhihi laheyd Gudoomiyaha Baarlamaanka ma laaluush la’aan ayaa lagu doortay, Farmaajo lacag isagoo aan bixin miyuu madaxweyne noqday, Kheyre ma qosol bilaa gacan ah ayuu kaga gudbay Baarlamaanka ..kuma dhiiran kartid inaad sadexdaba inkirto hadii aadan run diid aheyn sababtoo ah waxaan ognahay sida uu xildhibaan walba ku yimid meesha iyo qarashka kaga baxay kursiga “Wixii iga baxay aan ka ceensado” cashar la yiraahdo ayaa socda.

Xukuumada Qurba joogta u badan ee uu soo dhisay Ra’iisul wasaare Xasan Kheyre oo ka kooban 68 xubnood ayaa la gil gilay saacadihi lasoo dhaafay markii xildhibaano raxan raxan u shiray ay ugu hanjabeen madasha Baarlamaanka Somalia.

In Baarlaanka Somalia uu goodiyo ma’ahan wax naadir ah ,laakiin waxaa is weydiin mudan maxaa dhici kara, mar walba waa wax la filayay inaan xukuumada loo soo dhoweynin sidii Ra’iisul wasaare Kheyre loo soo dhoweeyay ,mashxaradii Farmaajana nusqaan ayaa ku dhacay.

Dad badan ayaa qaba in xukuumadu aaney dhaafi doonin Baarlamaanka waana dhici karta laakiin waxaa ka badan inta aaminsan iney codka kalsoonida heli doonto waxaana ay dadkaas daliishanayaan labo arimood oo ah qabiil iyo lacag.

Ra’iisul wasaare Kheyre ma dhihi doono inta isugu yeero wasiiradiisa yaan lacag la siinin xildhibaanada careysan iyo yaan qaab qabiil loo qaabilin oo aan cod laga raadsan waase laga yaabaa inuu kula dar daarmo iney sidaas sameeyeen sababtoo ah lama hubo inuu isaguba lacag la’aan ku yimid booska.

Cabashada ugu badan ee xildhibaanada waxaa ay ku saleysan tahay hanaanka awood qeybsiga ee 4.5 halka ay qaarna diidan yihiin in xildhibaano ay ku biireen golaha wasiirada waxaase la garanaya sida loo dajiyo oo ah afbuuxis.

Wasiiro u badan qurbo joog, safiiro, shaqaale hore oo dowladeed iyo dalaaliin NGO ayuu faraha ugu jira mustaqbalka 12 milyan oo Soomaali ah xiligaan, ma kula tahay ineysan lacago ku bixin doonin sidii uu Baarlamanku uga fuqi lahaa si qaanadaha loo qurxiyo ?

Dadka aadka ula jaanqaadaya Dowladaan cusub waxaa ay sheegayaan 24-kii saac ee lasoo dhaafay in hotel-ada Muqdisho ay mashquul la noqdeen kulamo gaar gaar ah oo ay wasiirada cusub doonayaan in ay kaga gudbaan Baarlamaanka iyadoo ay jiraan balan qaadayo dhaqaale iyo gacan qabsi waxaana arintaa ay ku sheegeen wasiirada cusub qaarkood “Saacadaha Musuq maasuqu xalaasha yahay” madaama ay rabaan iney dadka ugu qudbeeyaan in aaney Dowladaan musuq sameyn doonin.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
Raafac22@gmail.com