26 C
Mogadishu
Sunday, June 8, 2025

SAADAAL: Cawaaqibka ka dhalan kara hardanka siyaasadeed ee Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Machadka Heritage ee daraasaadka oo fadhigiisu yahay magaalada Muqdisho ayaa maanta oo Talaado ahsoo saaraya warbixin uu ugu magacdarayCawaaqibta Hardanka Siyaasadeed.”

Warbixinta ayaa looga hadlay arrimo badan oo ay ku jirto wixii shaley ka dhacay Baarlamaanka iyo sida dowladda Soomaaliya ay u dhaawacday kalsoonida caalamka.

Warbixinta ayaa loogu soo jeediyay madaxda dowladda talooyin haddii ay doonayaa in dalka uu ka baxo xasiloonida darida ragaadisay.

Loollanka ragaadiyey madaxda ugu sarreysa ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee horseeday in baarlamaanku kalsoonida kala laabto Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ‘Saacid’ wuxuu dhaawac weyn u geystay sharciyadda dowladda, isla markaana wuxuu dowladda ka weeciyey waajibaadkeedii qaran-dhiska ahaa, sida bixinta adeegyada aasaasiga ah oo uu amnigu ugu horreeyo. Hardan kale oo dhaca wuxuu horseedi karaa burburka dowladda oo dhan.

Sidaas oo ay tahay, xiisaddan waxay fursad labaad siin kartaa dowladda, haddii ay si wanaagsan u maamusho. Si uu usoo ceshado kalsoonida gudaha iyo dibadda, Madaxweyne Xasan Sheekh waa inuu si degdeg ah usoo magacaabaa Raysal Wasaare tayo iyo sharciyad leh, isla markaana u oggolaadaa inuu si madax bannaan u guto waajibaadkiisa dastuuriga ah, oo ay ugu horreyso in majara dowladda dib loogu soo celiyo howsha muhiimka ah ee dhismaha hey’ado qaran iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.

Haddaba si aad wax badan u sii ogaato halkan dhag sii

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News