28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Saadaq Joon oo dib loogu doortay xildhibaan Golaha Shacabka + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa maanta lagu qabtay doorashada kursi kamid ah golaha shacabka, waxaana loo doortay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo horay uga tirsanaa golaha.

Saadaq Joon ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#248 ee baarlamaanka, kaas oo uu shalay uun iska casilay xildhibaankii ku fadhiyay ganacsade Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne), wuxuuna is casilaaddisa ku sheegay sababo isaga u gaar ah.

Afweyne ayaa muddo kooban oo 5 bil ah ka tirsanaa baarlamaanka, waxaana kursigan loo soo doortay 4-tii March ee sanadkan 2025, isaga oo markaas soo buuxiyay, maadaama uu bannaanaa kursiga HOP#248.

Saadaq Joon ayaa horay ugu fadhiyay kursiga, laakiin waxa uu waayay xubnimadiisa markii uu aqbalay xilka agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee (NISA), balse mar kale saaka ayaa loo soo doortay, si uu ugu laabto baarlamaanka.

Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xooggan, maadaama kursiga loo xiray Saadaq Joon, isla markaana deg-deg doorashadiisa loo qabtay, maadaama uu  shalay is casilay xildhibaankii ku fadhiyay, taas oo keentay inay si weyn uga fal-celiyaan dad badan oo Soomaaliyeed.

Cabaas Cali Maxamed oo kamid ah dadkii fal-celiyay ayaa yiri: “NIN DOORNAA BAA LA DOORTEY”.

Hon Ismaaciil A. Maxamed: “Somaaliya waxaa ka jiro ma ahan kursi iyo xil waa wax la dhaho hebal baa la siin iyo hebal haa loo sii haayo”.

Shukri Sheekh: “Soomaaliya wexeeda oo dhan waa ciyaar magacii kursiga ayey sharafta ka qaadeen”.

Ismaaciil Shekh Axmed Faqe: “Kursi mid laga tagaayo hadana loo soo noqonaayo muu noqday?”.

 

- Advertisement -

Read more

Local News