SAADAQ JOON oo ogeysiis layaab leh kasoo saaray doorashada madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo ka mid ah xubnaha cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay doorashada guud ee xilka Madaxweynaha, kadib qoraal kooban oo uu soo saaray.

Saadaq Joon oo qoraalkiisa ciwaan uga dhigay “Ogeysiis” ayaa weerar dadban ku qaaday madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo qudhiisa ka mid ah musharixiinta u taagan madaxweynaha 10-aad.

Xildhibaankan oo horey u ahaa sarkaal Boolis ah ayaa shaaciyey in laga guuray magacii isbedal doonka, loona loonga guuray Washamsi halagu qaaday, sida uu hadalka u dhigay.

“Ogaysiis: Waxaa laga guuray Isbadaldoon,  Waxaa looguuray Washamsi halaguqaado,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Saadaq Joon.

Hadalkan ayaa jawaab u ah magacii ay dhowaan ku dhowaaqeen kooxda ololaha doorashada Farmaajo oo hal ku dhig ka dhigtay  “Isbeddel Doonka Socda”, kaas o oo loo fasiran karo in isbaddalkii uu xukunka ku yimid Farmaajo inuu weli aaminsan yahay inuu yahay mid socda.

Tallaabada uu qaaday Farmaajo ayaa imaneysa ayada oo la isku dayayey in xukunka looga tuuro in la doonayo Isbeddel uu dalka uu galo, balse hadda isagii ayaaba qaatay isbedelka.

Farmaajo ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo daah fur weyn u sameeyo ololihiisa xilli ay hal usbuuc kaliya ka hartay taariikhda loo asteeyay inay dhacda doorashada Madaxweynaha oo ku beegan taariikhda marka ay tahay 15-ka bishaan May ee 2022-ka.

Si kastaba, Saadaq Joon ayaa ka mid ahaa saraakiishii mar garab taagneyd Farmaajo, balse waxa ay is waayeen, markii uu fashilmay qorshihii muddo kororsiga labada sano ahaa ee uu si weyn uga horyimid Saadaq oo xilligaas ahaa taliyaha Booliska gobolka Banaadir.