25 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Saadaq: Waan la xisaabtamayaa 22 ergo ee u coddeeyay C/llaahi Cali + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Agaasime ku xigeenka madaxtooyada Saadaq Cabdikariin Guuleed oo 29 cod kaga guuleystay Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo tartan adag la galay ayaa markii ay soo gabagabowday doorashadii wuxuu si kulul ula hadlay qaar ka tirsan xubnihii u ololeynayay iyo ergooyin goobta ku sugnaa oo u hambalyeynayay.

Saadaq mar uu la hadlayay xubnihii u ololeynayay ayaa wuxuu sheegay inuu la xisaabtami doono 22 qof ee u codeeyay musharaxa kasoo horjeeday, isla markaana ay qiyaaneeyeen.
“Waxay aheyd inaan si fudud ugu qaado, laakiin anigaa aqaan 22 ergo ee codkaasi iga khasaariyay, sidaan ula xisaabtamo” ayuu ku yiri Saadaq Cabdikariin wiil dhalinyaro ah oo cododka u tirinayay kaasoo uu ugu yeerayay Suubiye isla markaana xusuusiyay in uu bixiyay lacag uusan carabka ku dhufan cadadkeeda.
Sidoo kale, xubnihii Saadaq ee la shaqeynayay ayaa waxay si hoose iskugu sheegayeen in 22 qof ee u coddeeyay Saadaq la ogaan doono, lagana qaadi doono lacagihii ay qaateen.
Ergooyinka qaar ayaa la sheegay in lagu dhaariyay inay u codeeyaan Saadaq halka qaar kale qaarka diiday loo hanjabay, waxaana kuwa la dhaariyay iyo handadaada la iskugu daray ka mid ahaa dumar hooyooyin iyo kuwo dhalinyar isugu jiray.
Tan iyo wixii ka danbeeyay Axadii lasoo dhaafay oo ergada diyaarad looga soo qaaday Muqdisho waxaa lagu haayay meel gooni ah oo Saadaq iyo kooxda taageerada uu ka helayo ee Madaxtooyada ay ku qasbayeen in aysan meelna ugu bixi karin, cidii magaalada wax ugu baahadana la daba dhigayay dad waardiye ah si loola socda taleefanadooda iyo dadka ay la hadlayaan. sidoo kale musharaxiinta kale ee kasoo horjeeday Saadaqna laga cunaqabadeeyay inay la kulmaan ergada beeshooda si ay ugula hadlaan ama ugu iibiyaan barnaamijka siyaasadeed ee musharaxnimadooda.
Dhinaca kale, waxaa tartankii doorashada aqalka hoose ee jufada Cali Gaaf ku jirtay haweeney lagu magacaabo Fowziyo, taasoo liiska ku qorneyd balse soo xaadiri weyday.
Fowsiyo ayaa la sheegay in ay u baaqatay handadaad iyo cabsi ay ka qaatay Saadaq oo qadka isgaarsiinta uu ugu hanjabay in nafteeda weyn doonto haddii ay timaado goobta doorashada ka dhaceysay. Sidoo kale waxaa laga hor istaagay oo loo diiday in ay tagto goobta ay ergada deganaayeen si ay barnaamijkeeda ugu iibiso.saadaq-doorasho-1 saadaq-doorasho-2 saadaq-doorasho-3 saadaq-doorasho-4 saadaq-doorasho-5 saadaq-doorasho-6saadaq-doorasho-7
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]
- Advertisement -

Read more

Local News