Saadiq Eenow oo kashifay arrin xasaasi ah oo C/Weli Gaas uu damacsan yahay

Garoowe (Caasimada Online) – Musharax Saadiq Eenow, oo u taagan xilka madaxweynaha Puntland ayaa qishay in Puntland nidaamka ka jira ee uu waqtiga ka dhammaaday uu qorsheenayo dagaal ka dhan ah maamulka Somaliland.

Dr Saadiq oo shalay ku dhawaaqay musharaxnimadiisa ee uu ugu taagan yahay doorashada xilka Madaxweyne ee bisha Janaayo 2019 dhaceysa, ayaa qaba in dagaalku ujeedkiisu yahay sidii loogu baajin lahaa doorashada, waqtigana ku kororsan lahaa Gaas.

“Intii yareed ee aan joogay waxaan maqlayey dagaal ayaan dhacaya, dagaal dhici maayo oo doorashada wey dhici doontaa,” Waxaa sidaas yiri Dr. Saadiw Eenow.

Ma aha sheeko cusub in Cabdiweli Cali Gaas uu uga dan leeyahay dagaalka Somaliland sidii uu ku dheeresan lahaa waqtiga, hase ahaatee waxa uu cadaadis badan kala kulmayaa musharaxiinta Puntland ee kula loolamaya doorashada.

Sidoo kale waxa uu culeys ka saaran yahay beesha caalamka iyo dhinaca Villa Somalia maadama Madaxweyne Farmaajo ka digay collaad la dhex dhigo dad Soomaaliyeed oo walaalo ah.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com