25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Saaxiibo isu hiloobay: Laba Shariif oo dib u midoobaya (Warbixin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la filayaa in toddobaadka soo socda uu si rasmi ah ugu dhawaaqo inuu ka tanaasulay musharaxnimadiisa xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Shariifka oo la filayo in Jimcaha uu soo gaaro Muqdisho, ayaa go’aankan qaadanaya kadib markii ay sidaas ku amartay dowladda Ethiopia.

Ilo ku dhow Shariifka ayaa Caasimada Online u sheegay inuu wada-hadal meel wanaagsan maraya u socdo isaga iyo Shariif Sheekh Axmed lana filayo in marka uu tanaasulo uu si rasmi ah u taageero musharaxnimadiisa.

Shariif Xasan oo markii hore ay isku dhowaayeen islamarkaana taageersanaa Cumar Cabdirashiid ayaa dib ugala laabtay taageeradiisa, kadib markii xildhibaanada laga soo doorto Puntland iyo Jubaland ay diideen Sharmaarke, ayaga oo ku eedeeyey inuu adeege u yahay Shariifka.

Ilo ku dhow Shariifka ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Sharmaarke uusan haysan haba yaraatee wax fursad ah oo uu madaxweyne ku noqon karo, maadaama ay kasoo horjeesteen xildhibaanadii beeshiisa.

Haddii labada Shariif ay dib u midoobaan waxay dib usoo nooleyneysaa mid ka mid xulufeysi siyaadadeedkii ugu weynaa, maadaama ay labada nin wada hogaaminayeen dowladdii Shariif Axmed uu madaxweyne ka ahaa ee 2009 illaa 2012.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News