Muqdisho (Caasimada Online) – Howl-galka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Burundi ee saldhigga ku lahaa Xawaadley laga daad gureeyey deegaankaasi kaddib markii uu ku dhuftay roobab iyo daadad ba’an.
Go’aankan ayaa yimid si looga hortago in askarta ay halis galaan, maadaama biyo badan ku soo rogmaday saldhigga, isla markaana ay adkaatay in ciidanka si ammaanan uga howl-galaan deegaanka.
Kaddib marka ciidamada Burundi ay ka baxeen Xawaadley, ururka Al-Shabaab ayaa dib ula wareegay deegaankaasi, iyadoo muddo dhowr sano ah gacanta ay ku haysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xawaadley waxay sanadihii la soo dhaafay martigelisay dagaallo culus oo ay ku dhinteen boqolaal askari iyo saraakiil ciidan, taasoo muujineysa muhiimadda istiraatiijiyadeed ee deegaankaas ay u leedahay labada dhinac.
Howl-galka AUSSOM ayaa sheegay in intii ay socotay daad-gureynta ciidanka, mid ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca uu la kulmay cillad farsamo. Si kastaba ha ahaatee, duuliyeyaasha diyaaradda ayaa si xirfad leh ugu dejiyey ciidanka dhul ammaan ah, iyaga oo xaqiijiyey in aanay jirin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay cilladdaas farsamo.
Inkasta oo Al-Shabaab ay dib ula wareegtay Xawaadley, AUSSOM marna si toos ah uguma xusin in deegaanka ay qabsadeen maleeshiyada ururkaas. Waxa ay ku gaabsatay in dhammaan ciidamadeeda iyo shaqaalaheeda si nabad ah loogu daad-gureeyey saldhig militari oo u dhow, si ay uga fogaadaan waxyeello ka dhalatay daadadka.
Ciidamada Burundi ee ka qayb qaadanayey howl-galka AUSSOM ayaa horey u sheegay inay waqti dhow ka bixi doonaan howl-galkan, isla markaana ciidamo kale oo bedeli doona ay usoo wareegayaan masuuliyadda amniga ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Dhinaca kale, maamulka deegaanka Xawaadley ayaa beeniyay in Al-Shabaab si xoog ah ku qabsatay deegaanka, isagoo caddeeyey in roobabka iyo daadadka ay sababeen in xeryihii ciidamada ay biyo soo galaan, taasoo keentay in mas’uuliyiinta AUSSOM ay go’aansadaan in ciidanka laga daad-gureeyo.
Maamulka ayaa intaas ku daray in ujeeddada kaliya ahayd badbaadinta nolosha askarta iyo shaqaalaha, ayna jirin dagaal toos ah oo sababay kala wareegidda deegaanka.
Guud ahaan, daad-gureynta ciidamada Burundi ee Xawaadley ayaa muujineysa sida dhacdooyinka dabiiciga ah ay u saameyn karaan xaaladda amni ee deegaanada jihaadiistu ay xoogga ku hayaan.
Inkasta oo AUSSOM ay awood u leedahay in ay ciidamo kale ku bedesho goobaha muhiimka ah, hadana ka bixitaanka ciidamada Burundi iyo soo laabashada Al-Shabaab ayaa tilmaamaysa caqabadaha joogtada ah ee horyaalla dadaallada xasilinta Soomaaliya.