Sababta Madaale u riixayo qorshaha Xasan Sheekh xilli madax goboleedyada kale…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) wuxuu ahmiyaddii shaqo ee gobolka Banaadir u weeciyay inuu madaxweyne Xasan Sheekh la riixo howsha dastuurka.

Shalay wuxuu boqolaal kamid ah dadka caasimada ku nool iskugu keenay fagaaraha Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, waxaana isu soo bixintaan dadweyne lagu sheegay mid lagu taageerayo shaqada dastuurka.

Inkasta oo dadka meesha ka hadlay qaar ay ku dhawaaqeen ereyo aan munaasabad aheyn sida inuu Xasan Sheekh leeyahay dastuurka, haddana Madaale wuxuu u muuqday mid qudbadiisa kusoo jiidanaya madaxda sare ee dowladda, isaga oo weeraray mucaaradka.

Dadka ay inta badan soo bixiyaan maamulka gobolka Banaadir ma ahan dad mowduuca la haysta, oo amar maamul ayaa lagu soo bixiya, waana yar yihiin dad akhriyay dastuurka iyo qodobada sida gaarka ah la iskugu hayo oo halkaas yimid shalay.

Balse mida muhiimka ah waxay tahay aaway maamulladii gobollada kale ee dalka. Maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland waxay bishii May ee sanadkii hore ka qaateen muddo kororsi, isagana waxay u ogolaadeen in qodobada uu rabo lagu daro dastuurka, ayna kala shaqeeyaan meel-marintiisa.

Marka HirShabeelle laga reebo maamullada kale way qaateen muddo kororsigii, laakiin dhamaantood gacmaha ayay ka laabteen shaqada socota ee dastuurka.

HirShabeelle iyada oo aan muddo kororsi la siin ayay ballanta wax ka gashay. Waxaa laga soo wariyay madaxda maamullada in aysan ku qanacsaneyn sida uu wax u wado madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin aanay rabin inay ka horyimaadan maadaama uu iyagaba toodii aqbalay.

Ereyga ugu badan ee ay isticmaalan madaxda maamullada waa inay waxani dhaqan-geli doonin, sidaas awgeedna ayna rabin in Xasan Sheekh ku kala dhintaan wax aan berri shaqeyn doonin.

Madaale isagu waa buddo gaar u tuman, wuxuu wajahayaa cadaadis kursi, maadaama uu magacaabis madaxweyne ku yimid.

Muqdisho waxaa jooga dad badan oo raadinaya booskiisa, waxaana la fahamsan yahay in madaxda sare ee dowladda qaarkeed aanay ku qanacsaneyn shaqadiisa oo ay qabaan in la beddelo.

Isku soo bixinta noocan ah ee shalay Muqdisho ka dhacday iyo weerarka joogtada ah ee uu Madaale ku hayo mucaaradka uma badna inay dabooli doonaan eedaha wax qabad xumo ee hareynaya maamulkiisa, laakiin mid waa macquul inay u dhasho taas oo ah in uusan madaxweyne Xasan Sheekh deg deg ku beddelin.

In dhamaan madaxdii maamullada dalka ka gaabsadeen meel-marinta qorshaha dastuur ee madaxweyne Xasan Sheekh, marka laga reebo gobolka Banaadir waxay aad hoos ugu dhigtay rejada laga qabo inuu qorshahani dhaqan-gal noqdo.