Diyaarado waaweyn oo mar kale ku sigtay inay shil ku galaan hawada Soomaaliya

Hargeysa (Caasimad Online) – Somaliland oo markale ka hadashay arrimo la xiriira maamulka hawada ayaa shaaca ka qaaday in mar kale uu shil diyaaradeed ka dhici gaaray hawada, ayada oo hagayaasha diyaaradaha ee Muqdisho ku eedeysay inay sababi gaareen in ay isku dhacaan laba diyaaradood oo ay kala leeyihiin Emirates Airways iyo Ethiopian Airlines.

Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Hay’adda Duulimaadyada Somaliland labada diyaaradood ayaa waxaa la siiyay xog sababtay in ay ku duulaan joog isku mid ah, taasi oo sababi gaartay inuu shil dhaco, waxayna falkaas ku eedeysay maamulka hawada Muqdisho.

Dhacdadan ayaa dhacday 24-kii bishaan, waxayna Somaliland soo bandhigtay warbixin ku aadan macluumaadka diyaaradahaasi iyo sida ay wax u dhaceen.

“Habeenimadii Axaddii  March 24 2024, abbaaro 12:43 Afrikada Bari , ayaa diyaarad ay leedahay shirkadda Emirate Airways oo duulimaadkeedu ahaa UAE722 kuna duulaysay joog 37,000ft iyo diyaaradda Ethiopian Airlines oo duulimaadkeedu ahaa ETH690, kuna jirtay joog  37,000ft ayaa ku sigtay in ay isku dhacaan, ka dib markii Muqdisho Control ay labaddan diyaaradood siiyeen joog wakhti iyo goob isku mid ah oo ay labadda diyarood ku kulmayeen” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale hay’adda ayaa intaasi kusii dartay in dadaal ay sameysay kahor wakhtiga ay isku aadi lahaayeen labad diyaaradood, taasi oo sababtay in uu duuliyaha Ethiopian Airline uu si deg-deg u beddalo joogiisii, isla markaana uu koro jooga 39000ft.

Weli waxaa la isku heystaa maamulka hawada Soomaaliya, murankan ayaa taagan muddo ka badan bil, kadib markii maamulka ay kordheen carqaladeynta maamulka hawada dalka.

Shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah qaarkood ayaa horay Soomaaliya ugu dacweeyey hey’ad Qaramada Midoobey u qaabilsan duulimaadyada rayidka ah, balse Soomaaliya ayaa ka jawaabtay dacwadahaas.

Dhawaan Hey’adda duulista rayidka Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay si buuxda u maamusho hawada Soomaaliya, iyadoo digniin u dirtay mamulka Somaliland.