Duqeyn culus oo ka dhacday degaanka Daaru-Nimca kadib weerarkii kooxda Al-Shabab

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo maanta Al-Shabaab lagula weegtay deegaanka Daaru-Nimca ee gobolka Shabeelaha Dhexe xilli ay weerareen saldhig ku yaalLa halkaas.

Fariisinta ciidan ee la wareeray ayaa waxaa deganaa ciidamo ka tirsan dowladda ee qeybta ka ah gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Duqeynta dhacday kadib weerarka ayaa waxaa fuliyay diyaaradaha dagaalka ee saaxibada caalamiga ah oo hawada ka taageeray ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka aroortii hore ay Al-Shabaab kusoo qaadeen weerar gaadmo ah oo ka dhacay deegaankaasi.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in duqeyntan kooxda lagu gaarsiiyay khasaare culus, dib looga celiyay aagga deegaanka Daaru-Nimca,

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in haatan ay howlgallo ka wadaan halkaasi, kuwaas oo lagu baacsanayo Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Maalmo kahor ayay aheyd markii ay kooxda weerar noocaan ah ay ku qaado fariisimo ay ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaano dhaca dhanka xeebta ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-Shabaab oo weeraradaas usoo abaabushay si qorsheysan, islamarkaana kula dheel-matay xilli hore oo ay hurdayeen inta badan ciidamada ku sugnaa goobaha la weeraray ayaa waxaa lagu dilay sarkaal sare oo lagu magacaabo Gaashaanle Liibaax Maxamed Cabdulle (Golcad), kaasi oo kamid ah ciidamada boolis milataaro ee loogu tala-galay sugida amniga Muqdisho iyo agagaarkeeda.

Taliyaha ayaa markaas waxaa la dhintay ku dhawaad 10 askari oo kale, kadib markii weerar toos ah iyo qaraxyo ay la beegsadeen xubnaha Al-Shabaab ee waaberigaas weeraray.

Kooxda ayaa muddooyinkii dambe xoojineysay weerarada argagixiso ee ay ku beegsaneyso ciidanka, xilli uu hoos u dhac ku yimid gulufkii dagaal ee ka dhanka ahaa, taasi oo loo aaneynayo soo rogaal celinta weerarada kooxda oo ay ku baxeen saraakiil muhiim u ahaa dagaalka socda.