DF oo war ka soo saartay qaraarkii Golaha Ammaanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweysay qaraar kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo ku baaqaya xabbad-joojin deg-deg ah oo ka dhacda Gaza.

Dowladda federaalka ayaa sheegtay in tallaabadani ay tahay mid horey loogu qaaday nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale dowladda federaalka ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay u ololeyneyso soo afjaridda dagaalka ka socda magaalada Gaza.

“Soomaaliya waxay si adag ugu ololaynaysaa in la soo afjaro iskahorimaadka Marinka Gaza, in si nabad ah dadka barakacayaasha ah loogu celiyo guryahoodii, iyo in la xaqiijiyo xal macquul ah oo laba dal ah” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay Nabad waarta oo gobolka ka dhalata waxaa lagu heli karaa wada hadal dhab ah iyo is ixtiraam,”.

Waxaa kale oo warbixinta lagu sheegay in Soomaaliya ay ku boorrisay in dhinacyada ay khuseyso ay ka go’an tahay in la taageero si loo xaqiijiyo in lagu guuleysto qaraarkan.

Qaraarka kasoo baxay  Golaha Aammaanka ee QM ayaa  dalbanaya in si deg-deg ah oo bilaa shuruud ah loo sii daayo dhamaan la haystayaasha, lana qaado dhamaan caqabadaha la hordhigay gargaarka bini’aadanimo iyo in bed-qabka dadka rayidka ah ee Qaza.

Sidoo kale qaraarkan ayay soo diyaariyeen 10-ka xubnood ee meertada ah ee ku jira golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana meel-mariyey 14 waddan, halka Maraykanku uu ka aamusay, taasi oo fududaysay in qaraarkani dhaqan-galo.

Waa markii sideedaad ee golaha ammaanku isku dayo inuu qaraar xabbad-joojineed ka soo saaro dagaalka Qaza, hase ahaatee intooda badan wuu ku guul-daraystay.