Go’aan cusub oo laga gaaray kuraasta ka banaan BF + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah ee golaha, kaas oo ahaa midka 16-aad ee guddiga uu yeesho.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ahaa dhammaan xubnaha guddiga, waxaana looga hadlay arrimo xasaasi ah, gaar ahaan sida laga yeelayo kuraasta ka banaan baarlamaanka.

Sidoo kale ajendaha kulanka ayaa ahaa warbixinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Qaraarka Buuxinta Kuraasta ka Bannaan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Intaasi kadib Sheekh Aadan Madoobe oo warbixin ka siiyay Xubnaha Guddiga Joogta ayaa la wadaagay xaalada guud ee dalka gaar ahaan shuruucda hortebinta u leh guud ahaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee horyaala Golaha.

Dhanka kale inta uu kulanka socday xubnaha guddiga ayaa ka dooday isla-markaana ansixiyay Qaraarka Kuraasta ka Banaan Golaha Shacabka.

Kuraas badan ayaa ka maqan baarlamaanka, kuwaas oo qaarkood doorashadii 2022-kii uu muran ka dhashay, kadibna dib loo dhigay, waxaana kamid kursigii Fahad Yaasiin.

Waxaa sidoo kale jira boosas kale oo banaan, kadib markii ay geeriyoodeen xildhibaannadii ku fadhiyay, kahor muddo xileedkooda, kuwaas oo u baahan in hadda lasoo buuxiyo.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeysa, xilli muhiim ah, isla-markaana baarlamaanka Soomaaliya au taallo shaqo adag oo ay ugu horreyso wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee dalka.

Arrintan ayaa dhalisay dood xoogan, kadib markii xubnaha mucaaradka iyo Puntland ay ka biyo diideen qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan dhameystirka dalka.